Buuri wadal(WNT)-Waxaa maantay tuulada Buura wadal ku soo gaba gaboobay shirkii ay baryahaanba ku la hayeen isimada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn oo looga arisanayey sidii goboladaas looga xoreyn lahaa ciidamada maamulka la magac baxay Soomaaliland oo haatan goboladaas qeeybo ka mid ah gacanta ku haya.
Ismada ayaa maantay si rasmi ah ugu dhawaaqay qodobadii ka soo baxay
shirkaas iyadoona ay halkaas ku suganayeen dadweyne badan oo ka kala yimid
gobolada Puntland ay ka kooban tahay.
Qodobadii ay isimadu gaarayna waxa ay u qornaayeen sidaan:
Haddaanu nahay isimada SSC waxaanu la socod siinaynaa urur gobleedka IGAD,AU Arab league Dowlada fadraalka iyo cid kasta oo danaynaysa nabad galyada geeska Africa hadii aan xal Deg deg ah aan laga gaarin arinta arimaha
gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn oo sida gar daradda ah ay u soo weerareen maamulka Soomailland waxaanu ku war gali naynaa inay dhici Doonto coolaad
daba dheeraata.
1: Waxaana samaynay gudi layiraahdo qusuusi
B) Qusuusigu waxa uu kakoobnaanayaa 23 Xubnood oo 3 Kamid ah Dumar yihiin
C) Qusuusigu waxay awood u leeyihiin in ay ansaxiyaan ama badalaan hogaankii
lagu soo doortay Neyroobi,
D) Qusuusigu waxaa soo xulaya beelaha waxana ansaxinaya isimada
E) qusuusigu wuxuu iska dhexdooranayaa guduumiye kuxigen iyo xog haye
F) Qusuusigu waxey mudadoodu ku egtahay sanad Iyo Badh,
G) Qusuusigu waxa lagu keenayaa mudo dhan 10 cisho laga bilaabo maalinta
gudoonku soo baxay
H) Qusuusigu waxaa kala diri kara isimada saxiixay Cod 2/3
I) Sharuudaha lagu soo xulayo waxaa qeexaya xeer hoosaad u gaara
J) Isimada ayaa kala hadlaya Punland In ay soo galaan gudaha si ay ula
kulmaam Qusuusiga
2: Wacyi galin
Waxaa ladirayaa laba wafdi oo kakooban isimada, Cuqaasha iyo Xubna kamida
qusuusiga waxaana loo kala dirayaa deeganada SSC, si ay dadka ugu soo
baraarujiyaan xaalada adag ee lagu jiro sidii looga bixi lahaa.
3: Dhaqaalaha
Dhaqaaluhu waa laf dhabarta Lama huraanka ah ee loobaahanyahay waana arin aan la.aanteeda suurtoobi karin wax qabad rasmi ah Waxaana leys ku raacay dood dheer kadib in laga raadiyo jaaliyada dibada iyo wadanka gudahiisa wixii faahfaahina oo intaa dheer waxaa qeexaya xer hoosaad u gaara.
4: Dowlada Puntland
Sida la wada ogsoonyahay sedexdii maamul ee u kala dambeeyay Puntlan midba midka kale waa uga dayac iyo hagardaamo badnaa waxayna sahleen in la qabsado laguna fido qeyba kamida deegaanka SSC Waxeyna cuuryaamiyeen isku day kasta oo lagu soo celinayo deeganadaasi.
Axmed-diin Cawil Jaamac
Waayaha.net,Buuro Wadal,Soomaaliya
Go,aamadii oo saxiixan

