Adis ababa,(WNT):-Kooxo burcad badeed Soomaali ah ayaa la sheegay in ay weerar xoogan ku qaadeen markab laga leeyahay dalka Ethiopia oo marayay xeebaha dalka Soomaaliya.
Markabkaan oo lagu Magacaabo Ethiopian Shipping Lines (ESL)ayaa la xaqiijiyay in ay soo weerareen laba doomood oo ah kuwa dheereeya ah oo ay wateen kooxo burcad badeed Soomaali ah.
Mid ka mid ah doomaha ayaa la sheegay in si aad ah markabka ugu soo dhawaatay isla markaana mar la tilmaamay in kooxaha ku sigteen in markabka gacanta ku dhigaan.

Balse shaqaalaha markabka saaran ayaa qeylo dhaan u dirsaday markab dagaal oo laga leeyahay dalka Mareykanka kaasi oo ka bad baadiyay kooxaha burcad badeeda ah.
Kooxihii burcad badeeda ayaa la sheegay in markii ay ku hungoobeen afduubka markabkaasi goobta isaga carareen.
Si kastaba kooxaha burcad badeeda ayaa haatan gacanta ku haya maraakiib iyo shaqaale aad u farabadan kuwaasi oo ay ku doonayaan sii deyntooda lacago madax furasho ah.
Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho.