Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Ciidamada amaanka Somaliland oo xir xiray dad dibad ka dhigay Laas-caanood.

Laascaanood,(WNT):-Ciidamada amaanka ee maamulka la baxay Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay dad aad u farabadan oo shalay galinkii dambe dibad bax ka dhigay magaalada laas-caanood ee xarunta Gobolka Sool.

Dadka ciidamada amaanka gacanta ku dhigeen ayaa la sheegay in ay gaarayaan ku dhawaad 70-ruux isla markaana si weyn dibad baxaasi uga qeyb qaadanayay.

Saraakiisha amaanka ee maamulka somaliland ayaa sheegay in dadkaasi haatan ku jiraan xabsi isla markaana baaritaano kala duwan lagu hayo.

Dadka dibad baxa dhigay ayaa ahaa kuwo si weyn uga soo horjeeday Baaritaano la sheegay in ciidamada amaanka ka sameeyeen dugsiyo lagu barto Qur'aanka oo ku yaala magaalada laas-caanood,taasi oo keentay in xabsiga u taxaabaan tiro macalimiin ah.

Inta la xaqiijiyay dibad baxii shalay ka dhacay magaalada Laas-caanood waxaa ku geeriyooday hal ruux oo ahaa oday Waayeel ah kadib markii ay waxyeelo ka soo gaartay isku dhicii dhex maray dibad baxayaasha iyo ciidamada amaanka.

Xaalada deegaankaasi ayaa saaka laga soo sheegayaa in ay tahay mid aad u dagan isla markaana wali laga dareemayo raadadkii uu reebay dibad baxii shalay ka dhacay halkaasi.

Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho.




   
Ciid Mubaarak    10 Sep 2010
Qaraxyo Ismiidaamin oo Maanta ka dhacay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.    09 Sep 2010
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software