Muqdisho,(WNT):-Wasiiru dowladaha wasaarada gaashaandhiga dowlada KMG ah ee Soomaaliya Yuusuf Maxamed Siyaad Indha cadde oo Maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in mas'uuliyada dabkii dhawaan ka kacay suuqa bakaaraha lahaayeen xarakada Al-shabaab.
Yuusuf Indha cadde ayaa sheegay in Mid ka mid ah haweenka shidaalka ku iibiya gudaha suuqa bakaaraha diin aad u farabadan ku yeesheen xarakada Al-shabaab saraakiil ka tirsan ay sababtay in ay bixin waayaan isla markaana bixinta qarashkaasi jawaab uga dhigeen in goobteeda ganacsi gubaan sida uu hadalka u dhigay.
"dabka suuqa bakaaraha ka kacay cadeymo badan oo aynu helnay ayaa sheegaya in ay ka dambeeyeen saraakiil shabaab ka tirsan oo deymo lagu yeeshay"ayuu yiri Indha cadde.

Yuusuf Indha cadde wasiiru dowladaha wasaarada gaashaandhiga dowlada KMG ah ayaa intaasi ku daray in saraakiisha Al-shabaab arintaasi uga gol lahaayeen sidii ay ku hilmaamsiin lahaayeen haweenkaasi qarashaadkii faraha badnaa oo ay ku laheyd.
Lama oga dhab ahaan hadalka ka soo baxay Yuusuf Indha cadde waxyaabaha ka jira iyada oo aanay jirin war xarakada ka soo baxay oo ay arintasi kaga jawaabayaan.
Si kastaba hadalkaan ayaa imaanaya xili saraakiil Al-shabaab ka tirsan dabka suuqa bakaaraha ku eedeeyeen in ay ka dambeeyeen dowlada KMG ah iyo Ciidamada AMISOM.
Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho.