Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Tartanka Xiddigaha Kubadda Koleyga oo ka furmay Muqdisho

MUQDISHO: Tartanka Xiddigaha Kubadda Koleyga Soomaaliyeed ee 2012 ayaa galabta waxaa uu ka furmay garoonka Degmada Xamar Jajab  ee magaalada Muqdisho waxaana soo agaasimay XSKK iyadoo dhanka  maalgelinta ay lahayd Xawaaladda Jubba Express.

Furitaanka Tartankan oo ay ka qeybgaleen mas`uuliyiin kala duwan ayaa ugu horeyn waxaa ka warbixiyay  Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali (Roombo) oo sheegay  tartankan inay ka qeybgalayaan 6 kooxood oo laga kala soo xulay kooxaha heerka koowaad .

“Tartankan Xiddigaha wuxuu ka mid yahay tartamada aadka loo jecel yahay ee dhanka K/Koleyga, ciyaartoyda  xiddigaha waa xulka  isku dhafan waxayna ka kala yimaadeen dhamaan Kooxaha, waxaan rajeynayaa in tartankan guul ku soo idlaado, waxaan u mahadcelinayaa Xawaaladda Jubba Express oo guud  ahaan maalgelisay tartankan, Maamulka Degmada Xamar Jajab,Ciyaartoyda , Macalimiinta iyo inta gacanta nagu siisay qabsoomidda tartanka.” Ayuu yiri Guddoomiye Roombo.

Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab  Maxamed Cali Axmed ayaa dhinaciisa tibaaxay in maamul ahaan ay aad ugu faraxsan yahiin in tartankan ka dhaco degmadooda wuxuu u mahadceliyay XSKK , isagoo kooxaha kula dardaarmay in ay soo bandhigaan ciyaar  ku dheehan farsamo iyo asluub wanaag.

Madaxa Xawaaladda Jubba Express ee Koonfurta Soomaaliya C/qaadir Cali Siyaad [Joolaal] ayaa isagana  muujiyay sida ay ugu faraxsan yahiin in ay qeyb ka qaataan horumarinta isboortiga, wuxuu ku daray in ay aad ugu mahadcelinayaan XSKK oo ka aqbalay  inay maalgeliyaan tartanka xiddigaha K/Koleyga Soomaaliyeed, wuxuuna balan qaaday in Xawaaladda Jubba Express mar walba gacan ka gaysan doonto isdhexgalka bulshada iyo horumarinta Isboortiga .

Kusimaha Guddoomiyaha GOS Xasan Axmed Cabdi  [Xasan Elman] oo ku dhawaaqay in tartanku furan yahay ayaa muujiyay  in Taariikhda xusi doonta qof kasta iyo hay`ad kasta ee ka qeybqaadata dhiirigelinta isboortiga wuxuu u mahadceliyay  Xawaaladda Jubba Express  iyo XSKK oo dhexda u xirtay qabashada tartankan.

Ciyaartii ugu horeysay ayaa lagu furay kooxaha  Jazeera Hotel Plaza iyo SYAO, ciyaartan oo ahayd mid farsamo  qurux badan lagu soo bandhigay, ayaa  waxaa si dirqi ay guusha  ku raacday 33-31 Xiddigaha  Jazeera Hotel.

Si kastaba Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga ayaa shaaciyay  tartankan inuu ka kala dhici doono labo garoon oo kala ah  Degmada Xamar Jajab iyo C/Casiis, iyadoo labo qeybiyay A iyo B. Waxaana xusid mudan in tartankan daawashadiisa ka soo qeybgalay Mas`uuliyiin   ka tirsan Xiriirada kala duwan ee GOS, Xawaaladda Jubba Express , Guddoonka Ururka Dhallinyarada SYAO iyo taageerayaasha K/Koleyga.

Isboorti.com Managing Editor

Said Ibrahim Hussein (BUUNA)

Cell Phone: +2526-1-5520008

Email:buuna@isboorti.com

Website:www.isboorti.com

Facebook: Click here

 




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software