Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Ma oran karnaa waxaa la gaaray xilligii ay talin laheyd aqoonta iyo khibradda.

 Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii muxammed ahaa ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib dhammaan akhristayaasha sharafta lahow iga gudooma salaanta islaamka ah ACWW.

Tan iyo bur burkii dowladii dhexe ee Soomaaliya waxaa dalkeena ka jiray jahwareer siyaasadeed iyo bur bur aad u xoogan oo ku yimid dhammaan mujtamicii Soomaaliyeed. Wey jirtay in leysku dayey isku dayo lagu soo celinayo rajadii ummadda laakiin intoodii badnayd waxaa ay ku danbeeyeeyn guuldaro iyadoo la oran karo waxaa ugu wacnaa iyadoo la qaaday waddo qaldan ama dad aan ehel u aheyn in ay kursigii yimaadeen.

 Wey jirtay shaqsiyaad isku dayey in ay wax qabtaan laakiin waddada ay marayeen oo aheyd mid aan tii dhabta aheyn. Sidoo kale faragelin baddan oo ka imaaneysay dhanka dibaddana wey nagu dhex jirtay. Haddaba maanta innagoo ka faa’ideysanayna waaya aragnimadaas horey noo soo martay soo maaha marka xlligii aynu wajihi laheyn xaqiiqada oo aynu dooran laheyn shaqsiyaadka aynu is leenahay shaararkooduna waa nadiif, kadibna ku darsaday aqoon iyo qibrad.

 Runtii qofku in uu shaarkiisa nadiif ahaado waa arin aan marna la dhayalsan karin, waayo qof uu kaarkiisa guban yahay dunidan horumartay waxaa la galiyaa wax loogu yeero (Black List ) mana dhacdo in mar kale wax laga dhegeysto. Waxaa kaloo dadka lagu qiimeeyaa 10kii sano ee ugu danbeysay qofkaas muxuu kasoo shaqeeyay sideese howshiisi u gutay.

 Haddaba maanta waxaa aaminsanahay in shaqsiyaad tayadaas leh in ay isa soo sharaxeen oo ay tahayna in la tijaabiyo. Shaqsiyaadka sida gaarka ah farta loogu fiiqi karo waxaa ka mid ah { Professor Cabdiwali Cali Gaas oo aad aragteen dowladdiisii badbaado qaran iyo kaalintay kasoo qaadatay badbaadintii dalka, sidoo kale Cabdulraxmaan Baadiyoow oo runtii ah shaqsi isku darsaday aqoon diineed iyo mid dunyaawi intaba maamulkiisana horey loo soo arkay iyo waxqabadkiisa, waxaa kaloo arin aad loogu farxo ah in uu maanta ka mid yahay raga isasoo sharaxay aqoonyahanka weyn Eng Maxamed Axmed Saalax (Feysal) oo aan oran karo waa shaqsiyaadka fara kutiriska ah ee isku darsaday aqoon, karti iyo waliba daacadnimo.

 Waxaad ka dheehan kartaa Eng Maxamed A Saalax wareysiyadii uu bixiyey iyo waliba marka ay kaaga waramaan dadka aqoonta u leh ee uu lasoo shaqeeyay ama taariikhdiisa yaqaan. Eng Feysal runtii waa shaqsiyaadka ay ka go’an tahay in ay dalkooda iyo dadkoodaba wax u qabtaan iyagoo aan eegeyn dhaqaale iyo wax kale toona.

 Sida aan ka warqabno Feysal shirkadaha uu kasoo noqday maamulaha ama Director generalka, isma oraneysid waa shaqsi dhaqaale doon ah ama ujeedo kale raba. Wey dhici kartaa in ay jiraan shaqsiyaad kale oo is soo sharaxay jagadaasna qaban kara laakiin aanan taariikhdooda heyn oona leh tayada aan kor ku soo sheegay. Haddaba waxaan Soomaali guud ahaan gaar ahaan inta nasiibka u heshay in ay codkooda wax ku doortaan waxaan kula talin lahaa in ay codkood Allaah uga baqaan oo ay codkooda siiyaan shaqsiga ay isleeyihiin wuxuu isku darsaday {Aqoon, Allaah ka cabsi, karti iyo waliba daacadnimo} Maanta Soomaali idinkay idiin soo eegeysaa ee ha eeginina kan ayaa I xiga, kan ayaa waxoogaa ii ogol iyo midkan ayaa beri jago ii magacaabay, ee waxaad eegtaa yaa maanta Soomaali kasaari kara halka ay ku jirto, yaa dalkeenii sidi uu ahaan jiray ku soo celin kara, yaa dunida horay u martay nala tartansiin kara, yaa ehelkeeda ah oo aqoonteda iyo kartideed leh. Ballanteenu waa doorashada soo socota iyo iyadoo la tijaabiyo shaqsiyaadka isku darsaday aqoonta iyo daacadnimada sida Eng Maxamed Axmed Saalax, Prof. Cabdiwali Gaas iyo waliba Cabdiraxmaan Baadiyoow iyo inta iyaga oo kale ah ama ka wanaagsanba.

 Wabilaahi Toowfiiq

 Cabdixakiim Jaamac Jooje

 Social Development Adviser – Leicester UK




   
Faah Faahin Dheeraad ah oo ku Saabsan Ninkii Soomaaliga ahaa ee Xasuuqay Soomaalidii la Shaqaynayay (Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    17 Jun 2013
Wiil Soomaali ah oo dabaq dheer iska soo tuurey ka dib markii loo diiday sharciga!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 Jun 2013
Machcadka barashada xirfadaha ee new generation xaruntiisa Baargaal oo si rasmi ah loo furay    16 Jun 2013
Ururka sahal oo jawaab cad ka bixiyey shirkii shirqoolka ahaa ee Xuseen Carab iyo Max’ud Guure    16 Jun 2013
Daawo:Nin Soomaali oo ku Xasuuqay Soomaali kale dalka Mareykanka‏    15 Jun 2013
Daawo : Dhacdo naxdin iyo yaab leh oo qabsatay odey waayeel ah kadib Markii Wiilkiisa uu ku xabisay deerka gurigiisa‏    14 Jun 2013
Gabar Soomaaliyeed oo maxkamad ku taala Ingriiska ku xukunay 250 saacadood oo iskaa wax u qabso ah!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    14 Jun 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software