Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Rammadaan Mubaarak: Soomaaliya shaki la’aan mar kale dhiig baa loogu wan-qali! (Q-IV)

Axmed-yaasiin Max'ed Sooyaan.

Haddii uu walaalkaa dhinto maalin keliyaad ooydaa, haddiise uu doqon noqdo maalin kastaad ooyeysaa!” waa hubaal in oraahdaas Soomaaliyeed aysan cidlo ka bixin, waxayna ku tusaysaa qoto dheerida soo yaalnimad fog ee murtida Soomaaliyeed, waa waxa innagu dhacay, muddo labaatan sano ka badan baa ooyeynaa, waa ina dileen, waa ina burburiyeen, dal iyo dad la’aan bay ina dhigeen walina ma garan!....

Calamadaha yaabka leh ee dalka ka jira ninka aajnabiga meeshuu rabo walwal la’aan buu ku marayaa adiga wadanka u dhashayna gobollada aad ka soo jeedda xataa si kalsooni ku jirto oo aad ku faaxsantahay kuma joogi kartid! Doqonimmada waa wax jira, Nabi Muuse (Nabad-gelyadii Alle Dushiisa ha ahaatee) waxaa ka qixiyay Masar doqon buu ahaa, Soomalidana maanta waxay eersatay siyaasiyiin Doqomo u badan dhibka ay geysteena waxaa qiimihiisa gudi doona jiilasha dambe.

Mid iyadu shaki kuma jiro mana aha wax qarsoon, sida hadda wax loo aqoolayo waa gumeysi cusub oo dhigihisii wata, 50sano ka dib adigoo dowlad ahaa waxa beesha caalamak isugu yeera, caqligooda ma ku qanceen inaan ka yeelayno gumeysi!... Gumaysi?! Waa kalmad aan maqli jirnay macna ahaan ah in dal iyo dad maamulkoodii ay la wareegeen SHisheeye xoog ama xaylad ku qabsaday, una diiday inay iyagu ka tashadaan aayaha jiritaankooda…

Haddii aad fiirisid sida ay yihiin arrimaha Muqdisho ka socda, kaalinta Mahige ciyaarayo iyo farrimaha uu yeerinayo iyo qorshayaasha laynoo jeexay qaarkoodna aanan waxba laynaga weydiin waa arrimo aad looga walaaco madmadow bandanna gelinaysa lahaansha dalka  ee ummadda Soomaaliyeed, macna ahaana u qeexmaysa in dalka iyo dadkaba ay leeyihiin dad qalaad oo aan Ab ahaan u dhalan.

Iyadu muran kama taagna sida dad badan oo ina ka mid ah ku doodayaan inaan is laynay, heshiin waynay,Qabqablayaashii innagu doqomoobeen ilaa ay ina gaarsiiyeen heerka maanta arrimuhu taaganyihiin, oo aan wali la hayn Soomaali is aaminaysa, wada hadli karta wax meel isla dhigan karta, laakiin taasi noqon mayso sida ay mararka qaarkood dad innaga mid ah ku doodaan sabab ku filan inaan yeelno ama oggolaano “ Adinka xumaantaad is yeesheen xumaanteenaa ka fiican ee waa inaad u hoggaansantaan!”

Waxa u weyn ee ummadda Soomaaliyeed wax ku tahay waa diinteeda iyo dhaqankeeda oo isaga laftiisa 90% ku salaysan diinta islaamka, waa garan karnaa sida xaalka maanta yahay (New World Order) ama qasdiga ay leedahay arrinta Globalization-ka, taasoo runtii marka inta lays dhex galo la yiraahdo ganacsigii, dhaqankii, aqoontii, dunida ha lays dhex galo horseedaysa in dalal jiray ay lumaan ama ay liqaan dalal kale dhaqaale ahaan iyo mujtamac ahaanba, gaar ahaan dalalka yaryar sida Soomaaliya, waxaadna moodaa in kuwa Beesha Caalmka loogu yeero ay tijaabadii u horeysay ee arraintan ay rabaan inay ku bilaabaan Soomaaliya ama ay si buuxdo u qabsadaanba.

Arrinta ka socota dalka ma ah mid u baahan hadal la qurxiyo, mana aha mid lagu xalin karo in hayiishaale la noqdo, mana aha mid haddaan maanta si bisayl iyo geesinimo ku jirto loo wajihin berri ku xalismaysa Saaxiibaan ahayn, iyo sidaa ma moodayn, xalka wax lagu maarayniyana ma noqon karo xumaanta iyo colaaddii Soomaalida dhex taalay tiina ka fiican ee adinka iska keen qabsada!….waa bishii Ramadaan dabayaaqadeedii, waa maalimihii u dambeeyay bishii barakaysnayd, Alle ha innaga aqbalo acmaasha wanwanaagsan annag iyo adinkaba.

Waxay ku leeyihiin cid kasta oo qabsata Soomaaliya, wixii ay iyada isku samaysay wax ka xun ku dhici maayaan? Oo yaa yir sidaa?! dadka waxaas ku hadlayaa caqliga ay wax ku miisaameen muxuu yahay, taariikhdii gumaysigii Talyaanigii uu ka dhigay koonfurta Soomaaliya waxaan garanayaa oo odayaashii soo gaaray ay inooga sheekeeyeen in dhulalka dhoobayda ah marka roobku ka da’o ay gumaystayaasha Talyaaniga inta dadka dhulka seexiyaan dhiiqada uga talaabi jireen si aan kabaha dhiiqada uga gaarin!...maxaaba doodda halkaas gaarsiinaya, su’aashu waxa ku koobanatahay, ma gumeysi baa gobonimo ka fiican?! Falsafad kasta oo la isticmaalo ama aqoon kasta oo la daliishado u malayn maayo in marna jawaabtu “HAA” noqon karto.

Hadday daacidi jirto maxaa DFKMG ah ciidamo rasmi ah loogu taba bari waayay, maxaa hubka loogu fasixi waayay, wax kastaba ha la sameeyo, intii ay doontaba ha innagu qadato, dhiiggii awoowayaasheen wali waa muuqdaa, dalalka danaha leh, kuwa deriska ah, iyo kuwa huwan magaca Beesha Caalamka, waxaa haboon inay taariikhda dib u aqriyaan, inta badnayd taariikhdeena iyagaa haystee inay dib u daalacdaan…Soomaali ma aha dad aan la aqoon, Somaalina ma garan waayin inay iska caabiso gumaysi ku soo duulay.

Gumeysi sida qaacidadu tahay dal waa qabsadaa laakiin ma haysto, gobanimadana dhiig la’aan lama helo! Waa lagu aabo waayaa! Waa lagu wiil waayaa! Waa lagu hooyo waayaa! Waa lagu cayrtoobaa, waa loo harradaa, waa loo gaajoodaa, waa sidaa, sida uu yahay qiimaha gobanimada.

Xilli lagu sheegay waayadii dhexe ayaa ciidamo ku soo duulay dalka shiinaha waxay u yimaadeen labo nin oo midna oday yahay kan kalana dhalin-yaro oo meel duur ah xaabo ka guraya, ciidammadii ayaa labadii nin soo qabtay oo u keenay ninkii madaxda u ahaa, sarkaalkii ciidammada watay ayaa isla markiiba bilaabay inuu waraysto labdii nin xog la xiriirta ciidammada SHiinaha ee ka soo hor jeeda tiradooda, qalabka ay haystaan, siday u kala degganyihiin..

Markaasaa odaygii yiri “si fiican baan idinku warami lahaa laakiin wiilkan yar baan ka baqayaa inuu hadhow I sheego” sarkaalikii ciidamada watay oo aad ugu riyaaqay hadalka odayga baa isla markiiba amray in la dilo wiilkii dhalin yarada ahaa, odaygii baa qosol la dhacay markii la dilay wiilkii, oo yiri”Horta wiilka aad disheen anigaa dhalay, sirta ciidankeenana hadday ammaan tahay, maxaa yeelay waxaan ka cabsanayay in wiilka yarka ah jir-dilka iyo ciqaabta aad innagu samaynaysaan u adkaysan waayo oo sidaas uu sirta ciidankeena ku bixiyo….” Sarkaalkii ciidammada watay ayaa intuu aad u carooday hadana amray in odaygana la dilo!...

Waa sidaa qimaha gobanimmada iyo Qaranimmada ay ummad leedahay, naftaada, wiilkaaga iyo xoolahaagaba waxba qiimo ah ma laha haddaad weydo xuquuqda bini-aadanimmada oo ay ugu weyntahay Gobanimada Alle ku siiyay, sida hadda muuqata waxay Soomaaliya ku sii isqaysaa maalmo madow badan oo gudcurkii gumaysiga ay dib ugu laabanayso, iyadoo loo soo marayo qaynuun lagu sheego xeerarka caalamiga ah, waxaana wax walba ka yaab badan in dalal Afrikaan ah oo yaqaan xanuunka uu gumeysigu leeyahay loo soo adeegsanayo arrintaas.

Waxaase wax aad loogu farxo ah in dadka Soomaaliyeed ay garanayaan waxa socda, dalkana u leyahay dhallin yaro difaaciisa hubaal ay tahay inay naftooda u hurayaan, waxaana intaas ka muhiimsan inay waliba hadda dareensanyihiin inaan arrimihii dalkooda gacantooda ku jirin, waxay indhaha ku hayaan ciidamo shisheeye oo qalab casri ah inta lagu soo hubeeyo maalin kasta laga soo dejinayo Muqdisho sidaasna mushaar lagu siinayo,…Xaggee arrintu ka maroorsantahay? Adigu hubka waa kaa xaaraan laakiin cidamo qalaad baan hubka kugu soo dhiibayaa gurigaagana kugu soo xarayniyaa!

Waxaa wax aad logu farxo ah in meel kasta oo ay joogaan ay dhalin-yarada Soomaaliyeed hadal hayaan sida taladii looga qaaday ummaddii dalka lahayd loona siiyay lahaanshihii dalka dadyow (ciidamo) qalaad; Itoobiyaan, Ugandhees, Burundian, Kenyan, Djiboutiyaan,..Soomaaliya waxay ka muuqda saansaan ah in la qabsaday, sida ay tahayna laguma sheegi karo inay tahay dal qaran ah, waxayna noqonaysaa si aan shaki ku jirin in mar kale DHiig Loogu Wan Qalo !... Soomaali Ninkuu Alle Ka DHigay Baa Nasiib Leh!

“Alle Weyne Ilaahow, Aduunka Kii Lahayow, Ifka Kii Uumayee, Aakhiro la magansanayow, Ammaan Yeel Arligeena, Arxan laawe Iimeeya gudaha Iyo dibaddaba, Ka Ilaali Cadow Aafo U geysta.”   

                                     =Aammiin=




   
Faah Faahin Dheeraad ah oo ku Saabsan Ninkii Soomaaliga ahaa ee Xasuuqay Soomaalidii la Shaqaynayay (Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    17 Jun 2013
Wiil Soomaali ah oo dabaq dheer iska soo tuurey ka dib markii loo diiday sharciga!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 Jun 2013
Machcadka barashada xirfadaha ee new generation xaruntiisa Baargaal oo si rasmi ah loo furay    16 Jun 2013
Ururka sahal oo jawaab cad ka bixiyey shirkii shirqoolka ahaa ee Xuseen Carab iyo Max’ud Guure    16 Jun 2013
Daawo:Nin Soomaali oo ku Xasuuqay Soomaali kale dalka Mareykanka‏    15 Jun 2013
Daawo : Dhacdo naxdin iyo yaab leh oo qabsatay odey waayeel ah kadib Markii Wiilkiisa uu ku xabisay deerka gurigiisa‏    14 Jun 2013
Gabar Soomaaliyeed oo maxkamad ku taala Ingriiska ku xukunay 250 saacadood oo iskaa wax u qabso ah!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    14 Jun 2013
Ururka war murtiyeed ururka Sahal xasuuqii DFS iyo wasiirkeeda FIQI    14 Jun 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software