Waayaha.net
Wararkii ugu dambeeyay ee an ka helnay duqayn maanta maghribkii xilli ay dadka af-furayeen lala beegsaday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa xaqiijinay in duqaynt oo sida la qiyaasiyo ka soo dhacaysay madaafiic saaran maraakiib xeebaha Kismaayo jooga ayaa waxaa ku dhintay seddex qof oo caruur iyo haween ah.
Warkan oo aan ka soo xigannay odayaasha deegaanka Kismaayo ayaa intaas ku daraya in ilaa qiyaastii dad 20qof ku dhowaad ah ay ku dhaawacmeen duqayntaas, sida warku sheegay dhaawaca ayaa la dhigay isbitaalka magaaladaas, odayaasha ayaa ka dayrinaya xaaladda dadka dhaawaca ah oo aan runtii isbitaalku awoodi karin daawayntooda.
DHinaca kale odayaasha deegaanka ayaa sheegaya in xoogagga SHabaab ay bilaabeen inay baneeyaan magaalada inkastoo ay wali ciidamo ka joogaan hadana waxay bilaabeen si muuqata inay guuraan ayaa warka lagu sheegay, ma aha markii ugu horeysay oo duqayn noocaan oo kale ah loo geysto magaalada Kismaayo, mana aha markii ugu horeysay ee ururuka Al-shabaab ay ka cararaan magaalada, waxaana jira walaac maalin kasta isa soo taraya oo dad-weynuhu ka walaacsanyihiin ammaankooda.