Cali Cilmi Soomow.
"Waxaa sumoobay xiriirkii ka dhexeeyey aniga bahda warbaahinta ka dib markii shaqada laga eryey Adrew Gilligan,arintana anigu qayb baan ka ahaa" sidaasi waxaa yiri Altair Cambell oo xilligii Tony Blair R/wasaaraha ka ahaa dalka Ingiriiska u ahaa xiriiryaha xafiiska R/wasaaraha,waa dareen aqooneed mar haddii Cambell uu ogaaday dabka ka dhex oogmay isaga iyo saaxibidiisii hore ee dhinaca warbaahinta,waxana meesha ka maqan fikir iyo siyaasad qabiil ku salaysan oo waxaan ka hadlaynaa waa bulsho horay u martay ilbaxnimona sarena gaartay,waxaan muhiim qofkii dhulkooda wax ku barta ama la sheeqeeyaa inuu xadhaarada ka qaato si uu bulshadiisa ugu soo celiyo.
Waxa halmar isla dumay oo la waayey waqtigii dahabiga ahaa, codadkii kanooniga ahaa, muusikaddii si magnadka uu soo jiidan jirtey dhegaystayaasha ee socodka araweelo, eray bixintii Af-ka Soomaaliga iyo dhaqankii dhex dhexaadka ahaa BBC-du lagu yaqaanay. Waxan halmar salka ka go'ay geed mirro dhal ahaa 50 sano waraab lagu soo waday, iyadoo weliba aannan moogayn in BBC-du tahay idaacad gumaysi salka ku haysa loona abuuray dhaqanka.....
Soomaalida oo aysan soo marin saxaafad madax banaan oo ay ku naaloon karaan marka laga reebo 10 sano ee dawladihii rayidka ahaa BBC-du waxay u ahayd halka keliya ee ay dhex dhexaadnimada u aadaan, waxad arki jirtay dadka oo aad u suga inta BBC-du soo galayso, waxaa loo taaganyahay koox koox, waxaana warka loo dhegaysanayaa sida tafsiirka Quraanka, iyadoo hadhow warka la isugu celinayo, ma dhacdeen haddii aysan dhex dhexaad ahayn inay sumcaddaasi oo kale hesho, waxaana hubaa haddii dawladii Kacaanku awoodi lahayd inay joojin lahayd.
Waxa xilkaas iska casilay madaxii Laanta Af-ka Soomaaliga ee BBC-da Max'ed C/llaahi oo muddo dheer xilkaasi soo hayey, mar aan weydiiyey sababta keentey inuu xilkaasi isaga tago ayuu ii sheegay inuu shaqada muddo dheer soo hayey uuna jeclaystay inuu dhanka Africa u wareego qoyskiisana la noolaado, waxaana xilkii kala wareegay Yuusuf-garaad Cumar Axmed oo ka mid ahaa shaqaalaha laanta Af-ka Soomaaliga.
In yar ka dib markii Yuusuf xilka la wareegay waxaa uu shaqada ka eryey inta badan rag iyo dumar rug cadayaal ahaa mudana baroosinku ugu aasnaa daartii Bush House ee xiligaasi BBC-du ka hawl geli jirtay, waxana ay ku guul daraysteen dacwad aan meel fog sii gaarin oo ay Yuusuf ku qaadeen, dabcan waxaa sumoobay xiriirka bahda warbaahinta iyo Yuusuf marka dhab ah oo qoto dheer loo eego talaabada uu qaatay shaqsiyan, laakiin Yusuuf ma qirin sumowgaasi .Shaki kuma jiro haddii maamul cusubi yimaado inuu carcartiisa iyo is badalkiisa leeyahay qofna meesha gooni uma laha mana aha geed ka baxay laakiin ujeedadu waxaa weeye in si qoto fog looga fakaro aqoonta iyo waayo aragnimada dadka la eryayaa xanbaarsan yihiin si ugu faaiideeyaan jiilka soo kacaya, waxana la sugayey qorshe is badal oo tartiibtiisa wata, si feejignaan lehna loo taba baro dadka raggaas badalaya.
Waxaa raggaas badaley rag dhalin yaro ahaa oo uu Yuusuf ka soo dhoofiyey magaalada Muqdisho sida la sheegayna kuligoodna beeshiisa ah, waxaana hal mar isla dumay oo meesha ka baxay dhex-dhexaadnimadii Laanta, tayadii iyo qiimihii Afka Soomaaliga oo mar hoy lagu hirto u ahayd bulshada Soomaalida marka loo eego qaabka eray bixinteedii ay isticmaali jireen ragii maamulkan cusub ka horeeyey, waxana maalinba maalinta ka dambaysa dadkii Soomaalidu sii ilaaweyeen dhegaysiga BBC-da iyadoo booskeedii dadku isku waraystaan maanta maxaa bogaga Soomaalidu qorreen, layskama indho tiri karo in electronic Media shabakadaha wararku ay yihiin aalad xoog badan soomaalidana ay saamayn weyn ku yeelatay laakiin haddana dubaha ku dhacay laanta Afka Soomaalidu waxaa uu ahaa mid taariikhi ah oo lama ilaawaan ah.
Intii Yuusuf uusan maasuuliyada BBC-da la wareegin, waxaa jirtay in ahmiyad gaar ah siin jiray qofkii ku soo kordhiya BBC-da eray cusub,guud ahaan taasina meesha waa ka baxday, waxaa jiray cuqdi kala galay shaqaalaha dhexdiisa iyo is qabqasi joogta ah oo aan taariikhda soo marin laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, guud ahaan arrintani waxay ku salaysnayd eex ay BBC-du ka tagtay, waxaa taariikh lama ilaawan ah ku noqtay dadka Soomaalida habkii BBC-da Laanta Af-ka Soomaaligu ay ula kala shaqaysay labadii dawladood ee C/qaasim Salaad Xasan iyo tii C/llaahi Yuusuf.
Iyadoo Yuusuf-garaad oo awoodda saaray inuu Dr C/qaasim Salaad Xasan oo dowladdiisii ka ruqaansan weyday xaafaddii uu ka degaan magaalada Muqdisho, iyadoo inta kale magalaada Muqdisho ay ku habsadeen oo ay xoog ku haysteen qabqabqablayaashii dagaalka ee xilligaasi magaalada Muqdisho xoogga ku lahaa, iyo sidii laanta Afka Soomaaliga BBC-du ula dagaalantay dawladdii C/llaahi Yuusuf oo Yuusuf-garad uu samaystay barnaamij la oran jiray falanqaynta Jimcaha oo isagu soo saari jiray, markii danbana dood dheer iyo is qab qabsi keenay shaqaaluhuna ay isku qabteen ujeedada barnaamijka iyo cidda soo saaraysa.
In kastoo uu Yuusuf-garaad sheegay inuu shaqada isaga iskii uga tegay hadana sida ay xaqiijinayaan xubno ka mid ah BBC-da Yuusuf-garaad waa laga eryay shaqada ka dib markii ay luntay sumacaddii idaacadda, hoos u dhacna uu ku yimid tirade dhegaystaasha Soomaalida ah ee ku xirnaa idaacadda, kuwaasoo markii hore (intuusan Yuusuf qaban xilkaas) dhegaystayaasha ugu badan mujtamac ahaan idaacadaha afafka aan ingiriiska ahayn ku baxa,
War kale ayaa sheegaya in muddo sanad ku simman uu Yuusuf-garaad idaacadda iska dhex joogay laaakiin hawlihiisa ay hayeen xubno kale ka mid ah qaybaha kale ee idaacadda, taasoo aakhirkii ku riixday in isagoo aan raali ka ahayn uu ku dhawaaqo inuu is casilay.
Sidoo kale Yuusuf-garaad, intii uu laanta afka Soomaaliga ee BBC-da madaxa ka noqday waxaa khilaaf aan dhammad lahayn uu soo dhex galay weiyeyaashii laanta, waxaa hoos u dhacay wada shaqayntii, Yuusuf-garaad isagoo taas ka faa’idayasnaya wuxuu qortay shaqaale badan oo ku xulanayo sifo ka baxsan xirfadda saxaafadda, wuxuuna si gaar ah isagoo ku naas nuujinaya idaacado FM-ta ah oo Muqdisho ku yaalo ka ijaartay waqti, waxaana la xaqiijiyay in idaacadda Horn Afrik uu bishii siin jiray 40kun oo dollar.
Wauxuu aad hoos ugu fiiriyay dadka dhegaystayaashiisa ah, inkastoo xirfadlayaasha war-baahinta qaarkoodd taas ku sababeeyeen aqoonta gaaban ee uu u leeyahay war-faafinta iyo habka ay u shaqayso, war kasta oo uu sheegayana waxaa ka muuqatay inuu isu haystay inuu isaga yahay ninka keliya ee wax fahamsan oo uusan ku xaq-dhowri jirin dhegeystayaashiisa, cadaadiska iyo dhibaatada uu ku hayay weriyeyaasha ay wada shaqeeyaan waxaa si fudud looga arki karayay habka uu weriyeyaasha ugu kula xulay banaamijyada idaacadda ka baxa.
Sida hadda soo baxaysa Yuusuf ayaa u soo tafo-xaytay inuu buuxiyo kaalintii uu ka baxay Axmed Cabdi-Salaam oo isagu si xun ugu dhaawacmay qaraxii is maadaaminta ahaa oo 1dii bishii May ee sanadkan ka dhacay magaalada DHuuso-ma-reeb, waxaana taas ka sii daran oo Yuusuf-garaad walaac ku abuuray soona dedejiyayay damaciisa burbur soo wajahay qorshayaal balaaran oo ay isla wadeen isaga, Axmed Cabdi-Salaam, Dr. Culusow iyo Meles Zenawi, oo ahaa in hoggaan siyaasadeed oo seddexdaas nin hoos taga laga dhaqan geliyo gobolka Gal-gaduud, iyadoo ay Itoobiya kaalin ahaan beelaha iyo kooxaha kale ee siyaasadeed ku cadaadinayso inaysan ka hor imaan oo la shaqeeyaan, waxaanu aad uga dhiidhiyay oo ka caraysiiyay in loo diiday inuu Xog-haye guudka nooqdo Xizbiga Hiil-Qaran oo sida uu aaminsanaa ay aad isugu aragti dhowaayeen marka la eego siyaasadda Soomaaliya.
Dabcan Yuusuf ma moogayn inuu mar ay noqotaba boorsada ka jiidan doono Laanta Afka Soomaaliga,awoodana ma saarin inuu bulsha Soomaalida oo dhan ka gadmo,waxaase uu hal il oo qur ah ku eegay beeshiisa waana shaki la,aan inay maanta marka dhinca qabiilka loo eego ay u arkaan geesi cad siyaado ah u keenay waana mid keentay inuu beeshiisa iska sharaxo,waa suure inuu jago yar ka helo siyaasada Soomaalida ee qabiilka kusalaysan,waxaana hubaa in haddii siyaasado uu soo galo uu beeshada dhinaca siyaasada kaga fiicnaan doono Axmed Diiriye,Xaad iyo Labada Shariif.
Su’aasha is weydiinta mudan waxaa weeye dib ma u fufi doontaa geedka 50 jirka ahaa Yuusuf salka ka jaray BBC-du oo ma ka soo kaban doontaa daala dhaca uu gaarsiiyay? Mar labaad ma ku gulaysan doontaa inay kasbato dhegaystayaashii idaacadda inkastoo dad badan qabaan in BBC-du ay ku adkaan doonto inay sideedii ku soo noqoto, hadana taas waxay ku xirnaan doonta madaxa ay yeelato laantaas iyo sida uu u shaqeeyo una tix geliyo dhegaystayaashiisa, shaki kuma jiro in BBC-da ay leedahay siyaasad ay ku shaqayso oo ay u jeexday dowladda Ingiriiska laakiin hadana wali waxay heli kartaa kaalin wax-ku ool ah oo ay ku yeelan karto war-baahinta Soomaaliyeed.