Muqdisho(WNT)-Inta laga war qabo ilaa 8 askari ayaa ku dhamatay tiro kalena way ku dhaawacantay qarax miino oo lagula beegsadey degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho gadiid ay lahaayeen ciidamada DF Soomaaliya.
Ah Afhayeenkeenka ururka Al-shabaab Cali Max’ed Raage(Sheekh Dheere) ayaa isla markiiba warbaahinta iyaga taageersan u sheegay inay dagaalyahanoodu ka danbeeyeen weerarkan lagu ciidamada dawlada ee loo adeegsaday miinooyinka nooca meelaha fog fog laga hago.
Ciidamo ka socda Uganda.Burundi ,Jabouti ,Kenya iyo Ethiopia ayaa DF Soomaalia gacan ka siiyaa sidii ay meesha uga saari lahaayeen kooxda Al-shabaab oo laf dhuunta gashey ku noqotey islamarkaasina ka arrimisa deegaano ka tirsan koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
Talbadan qaraxyada ah ee maanta Al-shabaab qaadeen ayaa iftiimineysa in magaalada Muqdisho weli ay ka fogtahay meel nabadeeda lagu naaloon karo,iyadoo horay dawlada waqtigeedu sii dhamaanayo ee KMG ay sheegtay inay magaalada Muqdisho xal nabadeed ka keeneen.
Waqti kooban ayaa ka harsan xilliga lagu balansan yahay in la unko oo la soo xulo baarlaman tayo leh badala kuwo buul caska ah ee iminka meesha buux dhaafiyey,waxana baarlamanka cusbi u codayn doonaa madaxweyne cusub.
Xafiiska wararka Waayaha.net