Muqdisho,(WNT):-Saraakiisha dowlada KMG ah ayaa Faah faahin ka bixiyay la wareegida degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe.
Taliyaha howlgelinta Ciidmada Milatariga ahna Afhayeenka Ciidamada Gen. Cali Caraaye Cosoble “Gacma dullo”oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaal aan buurneen kadib la wareegeen degmada Balcad.
"dagaal kooban kadib degmada balcad waxaa si buuxda ula wareegay ciidamada Milatariga iyo kuwa AMISOM"ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in haatan ciidamada 10-KM ka baxeen degmada Balcad isla markaan u jiheesteen dhanka degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe.
"ciidamada haatan waxay 10-KM ka baxeen degmada iyaga oo ku sii jeeda degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe"ayuu intaasi ku daray.
Ciidamada dowlada KMG ah iyo Kuwa AMISOM ayaa saaka la wareegay degmada Balcad kadib markii halkaasi isaga baxeen Ciidamada Xarakada Al-shabaab.
Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho.