Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
DAHABSHIIL oo iska fogeysay inay iibsatay Shirkadda TELCOM

Hargaysa(WNT)-Shirkadda Dahabshiil Waxa ay iska fogeyneysaa Wararka la xidhiidhinaya Isbedelka Maamul ee Shirkadda TELCOM: War-Saxaafadeed.

Warsaxafadeed ka soo baxay shirkadaha Dahabshiil maanta ayaa si rasmi ah u caddeeyay in warka saxaafada qaar ku soo baxay ee ah in shirkada Dahabshiil iibsatay shirkada Telecom aanu run ahayn oo yahay  ku-tiri-ku-teen, mala-awaal ah oo xaqiiqada ka fog.

 War-saxaafadeedka Shirkadda, oo ka soo baxay Xarunta Shirkaddu ku leedahay magaalada Hargeysa, waxa uu u dhignaa sidatan:

“Waxa beryahan dambe warbaahinta kala duwan ee Soomaalida ku soo baxayey warar kala duwan oo sheegayey in  Shirkadda Dahabshiil la wareegtay mulkiga iyo maamulka shirkadda Isgaadhsiinta ee TELCOM, shaqaalaheediina  kala dirtay.

“Haddaba, waxa  shirkadaha Dahabshiil Group si rasmi ah u caddaynayaan in uu warkaasi yahay  ku-tiri-ku-teen, mala-awaal ah oo xaqiiqada ka fog. Shirkadaha Dahabshiil Group waxba kalama socdaan, wax lug ahna kuma laha arrimaha u gaarka ah Shirkadda TELCOM.

“Waxa Shirkaddda Dahabshiil bulshadu ku baratay, kuna tixgelisaa, adeeg hufan, ammaano iyo u-dhego-nuglaanta arrimaha la xidhiidha daryeelka bulshada.

“Sidaa darteed, shirkadda Dahabshiil waxay u taagan tahay daryeelka iyo u-adeegidda bulshada goor kasta iyo goob  walba iyada oo aaminsan in bulshadu horumar ku gaadhi karto dhiirrigelinta fursadaha shaqada iyo kobcinta dhaqaalaha.”

Xafiiska wararka Waayaha.net




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software