Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Muxamad Morsi waxaa laga sugayaa inuu dhiso Jamhuuriyaddii labaad ee Masar.

 

 

 

 

 

Waayaha.net

Maxmmad Maxamad Morsi Ciise Al-cayaadh, oo ku caan baxay Maxamad Morsi, wuxuu ku dhashay tuulada Cudah oo ka tirsan gobolka bari ee dalkaas bishii Augustlabaatankeedii sanadii 1951kii, hal sano ka hor kacaankii riday boqortooyadii dalkaas ka talin jirtay.

Wax-barashadiisa ilaa dugsi sare wuxuuku soo dhamaystay gobolka  Bari ee Delta, wuxuuna wax-barshada jaamacadeed u yimid magaalada Qaahira, halkaasoo uu ku galay kuliyadda cabiraadda (Engineering) sanadku markuu ahaa 1970kii, shan sano ka dibna wuxuu ka qaatay shahaadada Bachelor of Engineering (Honors).

Morsi 1975kii-1976kii wuxuu gutay military service, isagoo markaas ku shaqeeyay askeri ka mid ah ciidammada qalabka sida ee dalka Masar, kana tirsan ciidanka lugta ururkiisa labaad ee ku dagaalama hubka kiimikada ah, markii uu u dhammaday sanadkaas shaqada qaran ahaana wuxuu dib ugu laabtay oo shaqaale ka noqday jaamacaddii uu ka soo baxay, taasoo uu markii dambana uga dhoofay dalka Maraykanka oo uu wax-barasho jaamacadeed ka helay koonfurta gobolka California, oo uu ku qaatay shahaadooyinkiisa Master-ka iyo PHD, isagoo takhasus ku sameeyay matoorka dayax-gacameeddada (Space Ship Engines).

Wuxuu sanadihii 1982kii iyo 1985kii ku soo shaqeeyay macalim kaaliye iyo kaaliye professor oo uu ka noqday kuliyadii uu ka baxay ee gobolka California, 1985kii ilaa laga gaaray 2010kii wuxuu professor iyo madaxa qaybta engineering ka ahaa jaamacadda al-zafaariiq.

Marka laga hadalayo dhaqdhaqaaqisa xagga siyaasadda, wuxuu dhalin-yaranimadiisii ka mid noqday koox lagu magacaabi jiray Golaha Iska-Celinta Sahyuuniyadda oo ka dhisnaa gobolka Bari ee Masar, waxaana loo doortay xubin golaha xizbiyada aduunka iyo xoogagga siyaasadda, isagoo waliba ka mid ah aasaasayaashii golaha isk-celinta mashaariicda Sahyuuniyadda ee dalka Masar.

Morsi ayaa ku faana inuu ku biiray ururka Al-ikhaanul-Muslimiin sanadku markuu ahaa 1977kii,, wuxuuna si dhamaystiran uga mid ahaa ilaa 1979kii, wuxuuna xubin ka ahaa qaybta siyaasadda ee ururkaas intii la aasaasay 1992ki, wuxuuna markii dambe xubin ka noqday xafiska hogaaminta ee ururkaas, dabadeedna wuxuu ka mid noqday koox ka tirsan ururkaas oo barlamanka galay sanadkii 2000 ilaa laga soo gaaray 2005tii.

Maxmad Morsi ayaa doorashada kaga guulaystay ra'iisal wazaarihii u dambeeyay ee dowladdi Xusni Mubaarak, sida uu ku waramay gudoomiyihii guddiga doorashada dalka Masar Qareen Faaruuq Suldhaan, madax-weynaha cusub Maxamad Morsi ayaa ku guulaystay51.73% oo ka adkaaday ninkii la tartamayay Axmed SHafiiq oo isagu helay 48.27% codokii ay dadku bixiyeen, Suldhaan ayaa sheegay in dadka codeeyay ay guud ahaan gaarayeen ilaa 50milion, 958kun iyo 794 cod bixiyaal.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha guddiga doorashada, madax-weyne Morsi ayaa helay codod gaaray 13milion 230kun131 cod, halka uu Shafiiq ka helay 12milion, 347kun iyo 380 cod, madax-weyne Morsi ayaa markii lagu dhawaaqy inuu ku guulaystay doorashada waxaa isla markiiba u hambalyeeyay General Xuseen  DHandhaawi madaxa golaha ciidammada ee xilka madaxtooyada sida ku-meel gaarka ah u hayay, iyo Axmed SHafiiq oo ahaa ninkii doorashada uu uga adkaaday madax-weynaha cusub Maxmad Morsi.




   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software