Qansaxdheere(WNT)-Waxaa goor dhoweyd qarax lagula beegsaday degmada Qansax dheere ee gobolka Baay ciidamada Dowlada FKMG Soomaaliya oo iyagu dhowaan la wareegay deegaankaasi,waxaana war is khilaafsan oo qaraxaasi ka soo baxayaa sheegayaan in qaraxani ahaa miino lagu aasay guri uu dagaanaa mid ka mid ah asskarta dowlada,halka warar taasi ka soo horjeedana ay sheegayaan in qaraxa lala beegsaday gaari ay wateen Ciidamada Dowlada.
Masuul u hadalay ciidamada dawlada ayaa sheegay in qarax lala beegsaday ciidamada dawlada walow uusan wax faah faahin ka bixin,kana gaabsaday khasaaraha ciidamada so gaaray inta uu leegayahay.
Tan intii ciidamada Al-shabaab laga saaray inta badan gobolada Koonfurta Soomaaliya intooda badan ayey dagaalkooda u badaleen,mid dhuumaalaysi ah,oo ku dhufoo ka dhaqaaq ah,waxaan taasi curyaamisay horay u socodka ciidamadu ay ku gaari lahaayeen deegaano badan.
Xafiiska wararka Waayaha.net