London(WNT)-Wasaarada arrimaha dibada dalka Ingiriika ayaa kulamo iyo shir xasaasi ah oo warfaafinta laga dhawray fikradaha dadkana lagu ogaanayey waxay la yeelatay jaaliyada Soomaaliyeed ee Boorame,Sool iyo Sanaag.
Kulankaan oo ka dhacay wasaaradda arrimaha dibada ayaa waxaa lagu xog waraystay masuuliyiin ka socota jaaliyada,waxana lagu weydiiyey fikirka ay ka qabaan kulanka hadda socoda ee Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland,waxaana ay ku sheegeen mawqifka ay taagan yihiin kala go’a Soomaaliya iyagoo weliba soo ban dhigay taariikh ahaan sidii Soomaaliya ahaan jirtay intii uusan iman gumaysigii Ingiriisku.
Dawlada Ingiriika oo horay u sheegtay inay shirkaan bixinayso oo qur ah kharashka baxaya laakiin aysan ku lug lahaan doonin,ayaa hadana ka marayn ku lug lahaansha shirka,waxana dhici karta inay fikirka ay kala kulmeen bulshada Sool sanaag iyo Awdal ay ula noqdaan maamulka Soomaaliland kuna qanciyaan inay ka tanaasulaa wax go’itaan la yiraahdo.
Dhinaca kale kulan Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland oo ka socda meel baxsan magaalada London lagu magacaabo Kent ayaan ilaa iminka cidina si rasmi ah ogayn waxyaabaha lagaga wada hadlay iyo waxay isla gaareen labada dhinac.
Xafiiska wararka Waayaha.net