Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Ma dhabaa in Madax weyne Mubaarak xaalladiisa caafimaad liidato mise waa...?

Cairo(WNT)-Warar horay u soo baxay oo sheegayey in madaxweynihii hore dalka Marsar Max’ed Xusni Mubaarak caafimaadkiisu aad u liito ayaa hadda la sheegay inay isugu soo biyo shubteen wax aan waxba ka jirin,ayna ahayd arrin laga shaqeeyey.

Mubaarak oo dhawaan maxkamadi ku xukuntay noloshiisa inta ka hartay lana geeyey xabsi weyn, oo ku yaal dalkaasi Masar ayaa la sheegay horay loo shaaciyey in hal mar ay ku dheceen wadnaha oo joogsaday iyo weliba isaga oo dhinac qalalay,waxaana arintaasi keentay in xabsigii laga soo saaray lana keenay isbitaal weyn oo caafimaadkiisa lagu baaro,iyadoo weliba wararkii ugu horeeyey ay sheegeen inuu nolol ahaan geeriyooday tabar badana aysan ku harin,laakiin neefta uu siinayo qalab lagu xiray ( live support machine).

Waxaa jira warar hadda soo baxaya oo qorreen wakaalladaha wararku oo sheegaya in Mubaarak caafimaadkiisu wanaagsan yahay, laakiin arintaan ujeedo loo sameeyey qorshaha ka danbeeyaana uu ahaa sidii xabsiga looga soo saari lahaa loona gayn lahaa meel nolol fiican, oo nadiif ah laguna xanaaneeyo.

Afadda uu qabo Mubaarak oo lagu magacaabo Suzanne Mubaarak oo hooyadeed ahayd Welsh haysatana dhalashada dalka boqortooyada Ingiriiska ayaa horay warbaahinta ugu sheegtay in odaygeedu aad u liito,xanuuno fara badana ay ku dhaceen.

Si kastaba ha haatee waxaa cakiran oo meel xun maraya siyaasadda dalka Masar oo qarka u saaraan in mar kale uu ka dhaco inqilaab milatari oo laga hor tegayo guulaha doorashada ay ka keeneen ururka Ikhwaanul Muslimiin.

Xafiiska wararka Waayaha.net




   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software