Muqdisho,(WNT):-Dowlada KMG ah ayaa sheegtay in si xoogan u cambaareynayso dilka Wariyihii Idaacada Shabelle Allaha u naxariistee Axmed Cadow Canshuur.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta ayaa arintaasi looga hadlay:
(Muqdisho, May 24, 2012) Dowladda Soomaaliya ayaa aad u cambaareyneysa dilkii Axmed Caddow Canshuur, oo ahaa wariye ka tirsan iddaacada Shabelle kaas oo maanta ay rag aan la garaneyn ku dileen agagaarka suuq Boocle ee degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed Jaahweyn ayaa maanta la hadlay Wakaalada Wararka Qaranka ee SONNA, “Waxaan aad uga xun nahay dilkii wariye Axmed Caddow Canshuur, oo ahaa mid qof aad looga yaqaan saxaafada Muqdisho sumcad weyna ku lahaa.”
Wasiirka wuxuu ku daray, “Dowladda waxay aad u cambaareyneysaa dilkaa wuxuushnimada ah ee lagu waayay naf wariye qaali ah,” taas oo ka dhigeysa wariyihii lixaad ee sanadkaan lagu dilo dalka, oo ay idaacadda Shabelle ku waysay wariyihii labaad.
Axmed waa qofkii ugu danbeeyay oo falal danbiyeedka noocaan ah lagu dilay, iyadoo ay ku jiraan maamuleyaal, madax idaacadeed iyo xubne kale oo bulshada rayidka ka tirsan. Weerarka lagu hayo saxaafada iyo dadka waxtarka u leh bulshada waa mid u dhigma kan lagu hayo dowladda sababtoo ah waxay dadkaas yihiin qeyb laf-dhabar u ah horumarka nabadda iyo guusha ay magaaladda Muqdisho ku tilaabsatay bilihii lasoo dhaafay.
Dowladda waxay tacsi u direysaa qoyskii uu ka tagay marxuumka. Dowladda waxaa ka go’an in ay baarto oo xaqiijiso in danbiilayaasha la hor keeno maxkamad sharci.
DHAMMAAD.
Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho.