Cabdi-Razaaq Yaasiin Faarax (Caano-geel)
Waa sil silad xaaqiiqo xambaarsan, laga bilaabo Berbera ilaa Boosaaso, dhabta qaybo ka mid ah dhulkeena hooyo oo layskaba ilaaway, waxaadna moodaa in manta la soo gaaray heer bislaansho oo kala tagga iyo kala go’a Soomaaliya lagu diidanyahay oo qaybo badan dadka reer Waqooyigu ay ku dhiiranayaan inaysan dhib lahayn in midnimmada Soomaaliya laga wada hadli karo.
Berbera hagar ayaa laga galay
Waxaan ka dhul bilaabay safarkaygii Soomaaliya magaalada Berbera oo noloshayda aanan horay u arag laakiin war badan iguma seeganayn xagga cimilada oo xilligan waxaa lagu jiray xagaagii oo kulayl bay ahayd, kolka ay diyaaraddu soo cagga dhigatay waxaa garab yaacayey gawaari ay leeyihiin shirkadaha diyaaraduhu si ay u dejiyaan rakaabka.
Marka aad banaanka u soo baxdid ka sokow holoca wajiga kaa leefaya ayaad haddana waxaad dareemaysaa kala daadsanaan iyo maamul xumi xagga maaraynta howlaha garoonka, mararka qaarkood ayaadan kala fahmi Karin shaqaalaha diyaaradda iyo kooxo kale oo iyana isaga soo qaraab taga ayraboorka oo risaaqadooda ka raadsada, waxaa iyana is dhex yaacsan shaqaalaha diyaaradda oo aad moodaa inaysan shaqadoodu kala calaamadsanayn.
Ceeb kama aha garoonka diyaaradaha magaalada Berbera haddii aad aragtid qaybo ka mid ah shaqaalaha oo gacmaha iyo jeebadaha ku sita Qaad (Jaad) oo xilligan kulul qayilaya, cidina kalama hadli karto oo qaadku waa iska caadi, isla markiiba waxaa kuu muuqanaysa shaqsiyaadka qaadka cunayaa inay anshaxa weydaarsan yihiin laakiin aysan iyagu taas wax dareen ah ka qabin.
Berbera waa meesha ugu weyn ee rakaabka diyaaradaha lagu kala qaybiyo, inta howshaasi socot heli maysid meel aad kaga gabato hanfiga iyo kulaylka caanka ay ku tahay magaalada Berbera xiliga xagaaga ee ay kulushahay, waxaana inta badan arintaasi raad reeb weyn ku samaysaa ilmaha (caruurta) qurbaha ku dhashay oo aan wax sawir ah ka haysan dhulkiisa hooyo mudana lagu shukaaminayey in fasax loo gayn doono, waxaana ay horay ka bilaabayaan oohin.
Waxay ila noqotay inaan waqti siiyo oo aan soo marmaro magaalada inta aanan ka amba bixin, Berbera oo iyadu mar ahayd meelaha ugu caansan xagga ganacsiga dalka Soomaaliya.
Marka aad fiirisid magaalada waxaa kaaga muuqanaya dayac xooggan waxaadna moodaa guud ahaan magaalada mid laga haajiray oo aan cidina maal gashan muda badanna laga maqnaa.
Sida ay ii sheegeen dadka gobolku magaaladan ayaa looga haajiray dhanka Hargaysa iyo weliba Burco, Berbera-se ma mudneyn sidan oo waa la dayacay.
Safarkaygu waxaa uu ahaa mid deg deg ah, waxay ila noqotay inaan dhulka ku safro oo aan dhex qaado magaalooyinka si aan u aragno qaab nololeedka iyo sida xaalka guud ee dad-weynuhu yahay. Waxaanu dalbanay baabuur naga qaadda garoonka diyaradaha Berbera ilaa Garoowe.
Ganjeelka weyn ee laga baxo garoonka diyaaradaha magaalada Berbera waxaa joogay askar waxaana ay inoo diideen inay naga furaan albaabka, waxaana aan maqlay wadihii gaariga aan saarnaa oo si qaylo sara ah askarigii albaabka joogay ku leh”Waa maxay lactaad naga rabto?” askarigii oo isagana indhaha galka ka soo saaray baa ku jawaabay “War gayr baskii (Gate Pass)

iska bixi “ Wadihii“Waa hagaagee na sii boono”Askarigii ” Kuma siinayo ee iska bixi lacagta” Wadihii oo aad moodo inuu fahmay lacagta laga rabo “ Na weydii bir qaad ee maahan gayr baas.”
Darawalkii ayaa dhiibay lacag shillinka Soomaaliland ah,waxaana uu askarigii ku jawaabay diin cay iyo miyaanu ku tuugsanayn iyo weliba isagoo lacagtii dhulka ku yaaciyey,waxaana uu sii furayey albaaka isaga oo caytamaya,waxaase mar aan gadaal u sii eegay uu urursanayey lacagtii uu dhulka ku yaacshay.
Inkastoo kulayl xun lagu jiray haddana dhulka waxaa ka jirta barwaaqo xooggan,waxaadna arkaysaa xoolaha oo daaqaya meelo aan magaalada sidaasi uga fogayn,waxaa jira dhul tuulooyin ah laakiin dad aan tiro badnayn ay ku noolyihiin, marka aad eegto nolosha waxaa si dhib yar aad u arkaysaa in dadku dan yar u badanyahay hase ahaatee waxaa ka muuqta qanacsanaan dhulkooda ay ku faraxsan yihiin.
Kantroolada Soomaaliland
Marka aad ku soo beeganto baraha kantaroolada waxaa taal bir iyo xarig yar waxana soo istaagaya askari ,wadaha baabuurka oo aan dhiniciisa fadhiyey ayaa salaamaya waxaana uu u dhiibaya lacag aan sidaas u badan oo magaceeda la iigu sheegay (Bir Qaad).Haddii aad u sii fiir satid shaqsiyada dhalinta goobaha kantaroolada jooga waxaa ka muuqada qadarin iyo ixtiraam,waxayna ku weydiinayaa wax dhib ahi ma jiraan,kulina waxay ka siman yihiin cunista qaadka oo u eg wax dhaqanka ay ku darsadeen.
SHiikh waa kobocday
Degmada SHiik ee gobolka Tog-dheer waxay ku taal buurta SHiikh dusheeda waxaana ay ka saraysaa dhulka intiisa kale waa meel aad u qabow aadna u qurxsan,waxaana quruxdeeda sii bilaya Illahay oo ugu roonaaday roobkii gugii dhoweyd da’ay, iyada oo dhana waa cagaar.
Waxaa ka muuqda koboc dhaqaale iyo fiditaan xagga dhismaha magaalada ah, waxaana marka aad magaalada galayso ku soo jiidanaya kuliyada xanaananada xoolaha ee degmada SHiikh oo dhismayaasheeda waaweyn dhinaca galbeed ay ka soo eegayaan.
Waqti badan kuma aan hakan degmada SHiikh, waxaana isla markiiba u hoobanay dhinaca dhulka carra sanka ah ee Togdheer.Waxay ahayd casar gaaban, waddaha oo ahaa dadka deegaanka ku dhashay wuxuu ii sharxayey dhulka iyo magacyadiisa waxaana aad ii soo jiitay Banka Aroori oo kolkaas aad u dooganaa xooluhuna ay mayracanayeen,waxaana ishaydu aysan dhamayn Karin waynaanta banka Aroori oo kolkaas cad ceedu ay ku mariintay falaareheeda.”goroyadu ukunteeda AROORI bay dhigtaayoo aboodigu ku layaa”.

Burco waa fiday waxaana fara kulul ku haya Geedi Yuhuudi
Magaalada Burco ee gobolka Tog-dheer oo ay iigu horaysay sanaddii 1984 ayaa u muuqata mid aad u fiday waxaana isla markiiba ku soo jiidayana suuqyo waaweyn oo fikirkooda laga keenay dalalka carabta iyo galbeedka oo aad ka heli kartid wax kasta oo aad u baahan tahay,waa horumar la taaban karo hadddana waxaa dhinac yaal saluugmo uu dareemi karo shaqsiga jecel dalka kana ka yimid meelo horu marsan qalbigana ay kaga jirto masayr ah inuu arko dalkiisa hooyo oo meel kasta ka horu marsan.
Dhibta ugu weyn waxay ahayd dhinaca qashinka iyo bacaha oo ay u egtahay inaan wax xil ahba layska saarin, waxaana jira dareen ah in dadweyanah cashuurina aysan ku baaqan qashinkana aan laga gurin.
Soo dhex marida magaalada Burco ka sokow waxaanu go’aansanay inaanu seexano Hotel City Plaza ee magaalada Burco, waxaa ii bilaabatay baqdin markii aan arkay qoryo lagu waardiyeynayo Hotelka waxaana weydiiyey Wadaha “waa maxay askartani ?”waxaase uu u igu qanciyey in laga yaabo in Hotelka dad madax ahi ay joogaan.
Magaalada Burco aan soo galay abbaarihii 5tii galabnimo ayaa mar aan sidaas u fogayn waxaa ka da'ay roob xooggan,waxase guud ahaan magaalada hareeyey oo daboolay dariiqyadana qaar xiray geed aanan horay Soomaaliya ugu aqoon oo magiciisa la iigu sheegay geed Yuhuudi.
Hadal haynta ugu badan ee dadku ay ka hadalayaa waa is badalka ka dhacay Soomaaliland, waxana dadku aad ugu han weyn yihiin sida sharafta leh ee doorashadu u dhacaday iyo in is-badal macna leh yimaado.
Shakhsigii iigu horeeyey ee aan kula kulmay magaalada Burco Hotelka aan ka degay ee City Plaza wuxuu ahaa Max’ed Ibraahim Warsame (Hadraawi).Qof ahaan Hadrawi waxaa uu qabaa in Soomaaliya midnimadeedu muqadis tahay iyadoo la raacayo habka Federalka,waxase uu aad ugu faraxsanaa in si nadiifa ay ku dhamaatya doorashada Soomaaliland.
Waxaanu safarka wadaagnay oo iyana ku sii jeeda xarunta Garoowe qoys Soomaaliyeed oo qurbaha ka yimd waxana caruurta oo horay u maqlay magaca Hadraawi ay jeclaysteen inay sawir la qaataan aadna waa uga faraxsanaayeen inay abwaanka arkaan.
Waxaan safarkayga ka sii wadatay magaalada Buco,waxaana ka ambabaxay 4-ta subaxnimo anagoo qaboonada hore sii dhaafnay dhul baaxad leh oo ay ka mid ahaayeen magaalada Beer oo mar ahayd meel ganacsiga aad ugu fiican xilligii dagaalada waqooyigu ay dhaceen,haddase dadkii ay dib uga laabteen magaalada Burco oo ay horay uga soo qaxeen

Ammaanku waa heer sare arkina maysida wax dhib iyo qashqashaad ku ah dadka socotada ah ee isaga gooshaya Soomaaliya oo dhan.
Wadaamo Goo (ninkii wadada dheer wanaag ku marow wadaama Go baa wadkaa yaal)
Wadaamo Goo oo mar ahayd meel xero dhiig ah, xilligii SNM waxaa hal hays u ahaa,”ninkii wadada dheer wanaag ku marow wadaamo Goo baa wadkaa yaal”,maantase meel ammaan ah oo wax dhib ahi aysan ka jirin.
Tuulooyinka iyo magaalooyinka yar yar ee ku safan wadada dheer koboc weyni kama muuqdo waxana ay u muuqataa in magaalooyinka waaweyn ee Burco, Hargaysa ay dadku awooda sareen, oo lagaba haajiray dhulkii intiisa kale,dadkuna kuma badna oo waa teel teel.
Ina DHakool
Tuulada Ina DHakool waxaa ay kaga duwan tahay meelaha kale waxa laga dhisay meel Hotel ah oo ninkii safarkiisa ku daalaa uu ku nasan karo iskana seexan karo waxa iyana ay sameeyeen maqaaxiyo rakaabku ay wax ka cunaan.
Caynaba weli ceel biyood ayey u egtahay
Caynba oo magaalo aad u cimri weyn ahayd iyana wax horumar ah ma samayn waxana ay weli u egtahay meel ceel biyood ah oo loo arooro oo qur ah, waxaana aad u yar dadka ku nool, guud ahaan Soomaalida dhulka ku nool waxaa ka muuqata farxad iyo deganaan iyo weliba inay ku qanacsan yihiin joogitaanka dhulkooda hooyo, wadaha gaariga ayaa ii sheegay in qanacsanaanta dadka iyo sii bari taarayso xilliga barwaaqada ay ku jiraan.
Yagoori iyo Ari Caddeeye
Yagoori iyo Ari Caddeeye labaduba waxaa ay xagga horu kac la’aanta kala mid yihiin degmada Caynaba ee gobolka Tog-dheer kamana muuqdaan wax horumar ah oo la taaban karo,waxaadse moodaa xooggaa in dadku ku badan yahay, oo ay xataa Caynba ka dad badan yihiin. Guud ahaan wadada dheer inta aad ku safrayso waxaad arkaysaa siimanka dheer dheer is garsiinta oo meel walba oo buur ah laga taagay iyo qol yar oo laga ag dhisay waa dhinaca horumarka karaarka fiican ku socda.
Wadadadheer guud ahaan malaha jajab weyn oo hagar daamo ku ah baabuurka ku safraysa laakiin waxaa jira meel roobabkii xoogganaa wax yeeleeyeen oo u baahan in laga qabto,mase arkaysid meel wax laga qabanayo oo la dhsayo.