Baydhabo,(WNT):-Dagaalo kooban oo u dhaxeeyay Ciidamada dowlada KMG ah iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Yeed ee Gobolka bakool.
Dagaalka ayaa la soo wariyay in uu ahaa mid labada dhinac hub cul culus isku dhaafsadeen.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka khasaaro xoogan ka soo kala gaartay dhinacyadii dagaalku u dhaxeeyay.
Afhayeenka ciidamada Al-shabaab Sheekh abuu Muscab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkasi ka dambeeyay kadib markii ay ka warheleen in ciidamada dowlada isku Uruursanayeen deeganaka yeed.
Isaga oo xusay in halkaasi ku dileen tiro ka mid ah ciidamada dowlada isla markaana ku qabsadeen saanad milatari iyo mid ka mid ah gaadiidka dagaalka.
Balse waxaa arintaasi sidoo kale ka hadlay gudoomiyaha degmada Yeed ee dowlada kMG ah waxaa uuna xusay in dhankooda dhaawac ka soo gaaray dagaalka ilaa iyo 3-askari isla markaana khasaare xoogan gaarsiiyeen dhinacyadii ka soo horjeeda.
Wararkii ugu dambeeyay ee deegaankaasi ka imaanaya ayaa sheegay in saaka laba ciidan wali isku hor fadhiyaan meel aan deegaanka ka fogeyn isla markaana xili walba suurta gal tahay mid markale dagaal ka dhex qarxo.
Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho.