Muqdisho,(WNT):-Cabsi xoogan ayaa Caawa inta badan laga dareemayaa Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Cabsida ayaa ah mid ay sameynayaan dadka reer Muqdisho isla markaana si aad ah u hadal hayo dagaalo laga cabsi qabo in saacadaha soo socda dhex maraan ciidamada dowlada iyo dhinacyada ka horjeeda.
Dadka ku dhaqan Muqdisho ayaa intooda badan si aad ah dhiiladaasi colaadeed u hadal haya.
Cabsida ayaa ah mid daba socota handadaad dhawaan ka soo baxay Xarakada Al-shabaab ee ahaa in maalinta Jimcaha hujuumi doonaan Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
Reer Muqdisho ayaa ah mid hadalkooda ugu badan ee caawa ah waxyaabaha dhici doona Saacadaha soo socda.
Si kastaba xaalka Muqdisho ayaa caawa ah mid aloow sahal ah isla markaana dadka wadnaha farta ay ku wada hayaan.
Wixii Warar ah ee ku soo kordha kala soco www.waayaha.net
Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho.