Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Dagaal u dhaxeeyay Al-shabaab iyo ciidamada Axmed Madoobe oo ka dhacay dhoobleey.

Kismaayo,(WNT):-Dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo ciidamo u daacad ah Sheekh Axmed madoobe ayaa maanta ka dhacay degmada dhoobleey.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ahaa mid xoogan isla markaana ay soo qaadeen Ciidamada uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi weerarka ku soo qaadeen laba saldhig oo ciidamada Al-shabaab degmada dhoobleey ku lahaayeen.

Dadka ku dhaqan degmadaasi oo ka gaabsaday in Magacooda la soo xigto ayaa cadeeyay in ciidamada Sheekh Axmed Madoobe u suurta gashay in mudo kooban la wareegaan labada saldhig ay soo weerareen.

Khasaare aad u farabadan ayaa ka dhashay dagaalkaasi oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Ilaa iyo ku dhawaad 10-ruux ayaa la sheegay in dagaalkaasi ku geeriyoodeen oo dhamaantood ahaa dhinacyadii dagaalamayay halka tiro intaasi ka badana ku dhaawacmeen.

Ciidamada Sheekh Axmed Madoobe ayaa la xaqiijiyay in mudo saacad ah kadib saldhigyadaasi isaga baxeen.

Ma jiraan war dagaalka la xiriira oo ka soo kala baxay Saraakiisha Al-shaabab iyo Kuwa Hogaamiya Ciidamada Sheekh Axmed Madoobe.

Xafiiska Wararka Waayaha.net,Nairobi-Kenya.




   
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software