Kambala,(WNT):-Madaxweynaha dowlada KMG ah Sheekh shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhaweeyay Go'aamadii ka soo baxay shir Madaxeedka Midowga Afrika ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Kambala ee dalka Ugandha.
Sheekh shariif oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay in mira dhal noqdaan go'aamada shirka ka soo baxay.
"aad baan ugu qanacsanahay in go'aamada shirka ka soo baxay noqdaan kuwo mira dhala waana kaga mahadcelinayaa madaxda afrika sida ay dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed u taageereen"ayuu yiri Sheekh Shariif.
Madaxweynaha dowlada KMG ah ayaa sidoo kale xusay in dowlada Ugandha kaga Tacsiyeeyay dhibkii ka soo gaaray qaraxyadii Magaalada Kambala ka dhacay ee mas'uuliyadeeda sheegteen Xarakada Al-shabaab.
"dhibka ku dhacay shacabka Ugandha waan kaga tacsiyeeynayaa taasina waa mid hadii aan laga hortagin saameyn doonta qaarada oo dhan"ayuu yiri Shariif.
Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa shalay la soo gaba gabeeyay iyada oo laga soo saaray go'aamo lagu taageerayay dowlada Sheekh Shariif.
Xafiiska Wararka Waayaha.net,Kambala,Ugandha.