Muqdisho,(WNT):-Waxaa soo baxaya khasaare xoogan oo ka dhashay dagaalo iyo duqeymo shalay galinkii dambe ilaa xalay ka dhacayay Magaalada Muqdisho.
Dagaalka ayaa ahaa mid khasaare xoogan u gaystay dadka rayidka ah ee ku sugan deegaanadii dagaaladu ka dhaceen.
In ka badan 7-ruux ayaa dagaalada ku geeriyootay halka 42-kalena ay ku dhaawacmeen.
Cali Muuse oo ka mid ah saraakiisha gaadiidka Gurmadka deg dega ah ayaa Warbaahinta u sheegay in dadkaasi u badnaayeen haween iyo carruur madaafiic ugu tagtay goobo ka baxsan halka dagaaladu ka dhacayeen.
Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay jiraan khasaare soo gaaray dhinacyadii dagaalamayay.
Xaalada deegaanadii shalay dagaaladu ka dhaceen ayaa saaka ah mid dagan oo aanay ka jirin wax iska hor imaadyo ah.
Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho.