Kambala,(WNT):-Shirkii Madaxweynayaasha Ururka Midowga Afrika ayaa galabta si rasmi ah loogu soo gaba gabeeyay magaalada kambala ee caasimada dalka Ugandha.
Shirkaan ayaa socanayay mudo 3-cisho kaasi oo looga hadlayay arimo dhowr ah oo ay ku jirtay xal u helida mushkiladaha ka jira dalka Soomaaliya.
Gaba gabadii kulanka ayaa laga soo saaray go'aamo ay ka mid ahaayeen in si deg deg ah ciidamo gaaraya laba kun oo askari loogu diro Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Madaxda Afrika ayaan meelna ka soo qaadin codsigii furitaanka shirka uu jeediyay Madaxweynaha Ugandha ee ahaa in awood dheeraad ah la siiyo ciidamada AMISOM.
Balse taasi badalkeeda Madaxda Afrika ayaa isku raacay in ciidamada AMISOM howlgal sameyn karaan.
Ugu dambeyn Ururka Midowga Afrika ayaa ku booriyay Wadamadii balan qaaday in ciidamo u dirayaan soomaaliya warbixintooda soo gudbiyan mudo bil ah.







Xafiiska Wararka Waayaha.net,Kambala-Ugandha.