Waddooyinka Muqdishu oo la furay

Waddooyinka Muqdishu oo la furay

Waxaa dib u farmay Wadooyinka Magaalada Muqisho ee caasimada Soomaaliya oo loo xiray xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Ciidanka Dowladda Federaalka oo wadooyinka xiray ayaa gabi ahaan furay Wadooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana ay ka qaadeen Gaadiidka Dagaalka oo meelaha qaar ay ku jareen.

Isu socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha ayaa dib u bilowday, oo hakad ku jiray mudo ku dhow 24 saac, maadaama xalay Ciidamada ammaanka ay xireen.
Wufuudii heerka caalami ee ka qeyb gashay Munaasabada Caleema Saarka Madaxweynaha ayaa dib ugu laabtay dalalkooda, waxaana xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha ay ku dhacday si nabdoon.

Share This Post

Post Comment