Madaxweynihii hore Puntland oo geeriyooday

Madaxweynihii hore Puntland oo geeriyooday

Madaxweynihii hore Puntland General Maxamud Muuse Xirsi (Cadde), ayaa ku geeriyooday dalka Isutagga Imaaraadka Carabta sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah ehelkiisa.

 

Cadde Muuse, oo muddooyinkii dambe dalkaas ku noolaa ayaa la sheegay in geeridiisu timid kadib caafimaad darro haysay maalmahan.

 

“Allaha u naxariisto Cadde Muuse wuu geeriyooday, wuxuuna ku dhinta magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka, waa uu xanuunsanaa muddooyinkii dambe, balse cimrigiisa ayaa waqtigan ku ekaa, waxaana EBBE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo,” Sidaas waxaa GO u sheegay mid kamid ah ehelkiisa.

 

Marxuumka oo taariikh dheer ku leh dalka Somalia islamarkaana xilal kala duwan kasoo qabtay, ayaa Puntland kasoo talinayay January 8, 2005 ilaa January 8, 2009 markaas oo xilka kala wareegay Cabdiraxmaan Farole.

 

Share This Post

Post Comment