Madaxweyne Gaas oo xafladda Caleemo-saarka ka qayb galay

Madaxweyne Gaas oo xafladda Caleemo-saarka ka qayb galay

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan uu hogaaminayo ayaa maanta 22 February 2017 magaalada Mudisho kaga qayb galay xaflada caleema saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinaayey ka qayb galka caleema saarka Madaxweynaha cusub ee DFS, gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isagoo ku hadlaya magaca Dawladda Puntland iyo shacabkeeda waxa uu u hambalyeeyey Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana uu guulweyn ku tilmaamay caleema saarka taarikhiga ah ee maanta loo sameeyey mid guul u ah Soomaaliya, isla markaana noqday mid baal dahaba ka galay taarikhda Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa shacabka Soomaliyeed meel kastay joogan ku booriyey in lataageero oo lagarab istaago Dawladda Cusub, maadaama ay maanta Soomaliya ku jirto marxalad ka duwan sidii hore.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa balanqaaday inuu si dhow ula shaqayn doono Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana uu illahay uga baryey inuu ku asturo xilka Madaxweyne ee uu ku guulaystay dhowaan.

–DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDdAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_0909 IMG_0915 (1) IMG_0915 (2) IMG_0915 (3) IMG_0915 (5) IMG_0915 IMG_0923 IMG_0930 IMG_0952 IMG_0955 IMG_0962 IMG_0964 IMG_0970 IMG_0973 IMG_0976 IMG_0982 IMG_0985 IMG_0987 IMG_0993 IMG_0996 IMG_1000 IMG_1004 IMG_1023 IMG_1028 IMG_1037 IMG_1047 IMG_1054 IMG_1055 IMG_1064 IMG_1069 IMG_1075 IMG_1079 IMG_1082 IMG_1084 IMG_1087 IMG_1092 IMG_1095 IMG_1099 IMG_1102

Share This Post

Post Comment