Tartan ciyaareedkii Ramadaanka ee ka socday Classic Stadium oo wareegii koowaad la soo gabagabeeyey (Sawirro)

Tartan ciyaareedkii Ramadaanka ee ka socday Classic Stadium oo wareegii koowaad la soo gabagabeeyey (Sawirro)

Waxaa xalay la soo gebo gabeeyey  wareegka koowaad tartan ciyaareedkii Ramadaanka ee ka socday garoonka kubadda cagta Cagta Classic Stadium ee magaalada Garoowe.

Tartankaan oo Classic Stadium ee Magaalada Garoowe  ka furmay bilowgii bishaan Radamaan ayaa waxaa ka qayb-galay kooxaha heerka koowaad kuwa heerka labaad iyo dhalinyarada cuslaatay.

Koobka dhalinyaradda cuslaatay oo ay ka qayb-galeen 20 kooxood ayaa wareega koowaad caawa la soo gebo gabeeyey waxaana wareega labaad la xaqiijiyey inay u soo baxeen 10-kooxood.

Munaasabada lagu dhawaaqayey kooxaha u soo baxay heerka koowaad oo ka dhacday garoonka Classic Stadium ayaa waxaa goob joog ka ahaa Maxamed Maxamuud Carab maamulaha garoonka classic Stadium,gudoomiyaha gudiga tartanka Cabdulqaadir Maxamed Abshir,Agaasimaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Axmed Cabdale Tigaana iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha Guddiga tartanka Cabdulqaadir Maxamed Abshir iyo  Maxamed Maxamuud Carab maamulaha garoonka classic Stadium,gudoomiyaha  oo ka hadlay munaasabada ayaa xaqiijiyey u soo bixitaanka kooxaha soo baxay waxaana ay  sheegeen in tartanku uu si habsami leh uga socdo garoonka kubadda Cagta Classic Stadium.

Agaasimaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Axmed Cabdale Tigaana ayaa Milkiilaha Garoonka Axmed Jowle uga Mahad-celiyay dhiirri-gelinta Kubadda Caagta ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Tigaana ayaa ku booriyey Dhalinyarada ciyaaraysa inay ka shaqeeyaan sidii Cayaaraha Kubadda Cagta Soomaaliya ay ku horumari lahayd.

vlcsnap-2016-06-21-14h20m29s302-1 vlcsnap-2016-06-21-14h20m29s302 vlcsnap-2016-06-21-14h21m01s088 vlcsnap-2016-06-21-14h21m12s108 vlcsnap-2016-06-21-14h21m27s532 vlcsnap-2016-06-21-14h21m50s526 vlcsnap-2016-06-21-14h22m01s557 vlcsnap-2016-06-21-14h22m13s582 vlcsnap-2016-06-21-14h23m26s795 vlcsnap-2016-06-21-14h23m36s294 vlcsnap-2016-06-21-14h23m46s287 vlcsnap-2016-06-21-14h23m57s124 vlcsnap-2016-06-21-14h24m27s302 vlcsnap-2016-06-21-14h24m38s192 vlcsnap-2016-06-21-14h25m09s293

Share This Post

Post Comment