Xarfo: Khilaaf soo kala dhex-galay wasaarada deegaan iyo beeralay (DHAGAYSO)

Xarfo: Khilaaf soo kala dhex-galay wasaarada deegaan iyo beeralay (DHAGAYSO)

Mid ka mid ah beeralayda deegaanka Xarfo ee gobolka Mudug laguna
magacaabo Cabdiweli Axmed Aadan ayaa sheegay in si sharci dari ah uu
wasiir ku-xigeenka wasaarada deegaanka Puntland Faarax Cali Cabdi uga
gubay beer uu ku lahaa deegaankaasi.

Ninkan beerta laga gubay oo la hadlay Radio Garowe ayaa tilmaamay inay
deegaanka Xarfo ku taalay muddo 30-sanno, isla markaana uu haysto
warqad cadayna, balse taasi ay iska dhagatirtay wasaarudu, iyadoona
gubtay beertaasi.

“Beertan aniga layga gubay waxaa ay gaaraysaa 12-hiktar, waxaana ku
yaalay Dhigir, Qare iyo Masago, waa beer ay dowladdu sharciyaysay,
waxaan tusay warqad cadayna (Ducomenty), hadii aan waydiinay arintaasi
jawaab waafiya waynasiin waayeen” ayaa yiri Bashiir.

Cabdiweli ayaa wacad ku maray inay la tiigsanaya masuuliyiinta wasaarada
deegaanka maxkamad, isagoona sheegay inay warqad cabasho ay u
gudbiyeen Baarlamanka iyo Golaha wasiirada Puntland.

Dhinaca kalle, wasiir ku-xigeenka wasaarada deegaanka Puntland Faarax
Cali Cabdi ayaa arintaasi ku tilmaamay been abuur, xilli uu la hadlaya
Radio Garowe.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay inay beertani ay ka mid tahay
xirmaysiga sharci dara ah, sidaasi darteena loo gubay waa sida uu
hadalka u dhigaye.

“Hadii qof tiisii u meel mari wayday oo wax is ka sheegay, ama geed
Liina iyo Mirimiri 4-km ka dhexbeeray oo yiri beer ayay iitahay wax
arin aad looga xumaado, dadka deegaanka Xarfo ayaa makhraati ka ah in
sharciga uu jabiyay” ayuu yiri wasiir Faarax.

Ugu danbayntii, wasiir ku-xigeenka wasaarad Deegaanka Faarax Cali ayaa
sheegay in deegaanka Xarfo ee gobolka Mudug ay ka wadaan gubida
xirmooyinka sharci darada ah, isla markaana ay ku raja wayn yihiin
dhamaystirkooda.

 

 

Share This Post

Post Comment