Kulan lagu taageerayay gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo lagu qabtay Buulobarde

Kulan lagu taageerayay gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo lagu qabtay Buulobarde

21 December , 2015(WN)-Kulan lagu taageerayay gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ayaa maanta lagu qabtay degmada Buulo Barde ee gobolka Hiiraan.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiinta maamulka degmada Buulobarde, odayaasha dhaqanka. Culumaa’udiinka iyo madaxda bulshada ayaa lagu taageeray gudoomiyaha cusub ee madaxweynuhu u magacaabay gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar “Dabageed”.

Dhinaca kale kulanka ayaa lagu soo dhaweeyay in magaalada Buulo Barde ay noqoto caasimadda maamulka la filayo in dhawaan loo sameeyo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Gudoomiyaha degmada Buulobarde mudane C/casiis Cabdullaahi Cabdi Duuroow oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in dadka ku dhaqan Buulaay ay aad u soo dhaweeynayaan  in Buulo Barde ay noqoto caasimadda maamulka gobollada Hiiraan Sh/Dhexe.

Sidoo kale wuxuu soo dhaweeyay  in Yuusuf Axmed hagar “Dabageed” loo magacaabay gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan, isagoo tilmaamay in uu yahay nin lah aqoon iyo karti hogaamineed.

WAAYAHA

HIIRAAN

Share This Post

Post Comment