(Warbixin) Waa maxay saameynta ay yeelan karto lacag cusub oo suuqyadda Puntland soo gasha?

(Warbixin) Waa maxay saameynta ay yeelan karto lacag cusub oo suuqyadda Puntland soo gasha?
Puntland(WN) Waxaa isi soo taraya wararka la xiriira in dhawaan la soo galin doono suuqyada Puntland lacag cusub oo lagu daabcay Puntland, gaar ahaan gobolka Bari.
Shilin-Soomaali-524x318-620x330
Lacagtan ayaa loo dhigey siyaabo kala duwan waxaan dadka qeybtiis aaminsanyihiin inay keeni karto sicir barar iyo qiima dhaca lagacta Shilling Soomaliga.
medium_VEvDiC7V
Culimada Puntland oo arintaasi ka hadashay ay uga digtey Xukuumadda inay daabacdo xilligan lacago cusub, maadama uu yaryahay dhaqaalaha Wadanka dadkuna u badanyihiin danyar.
Wararka soo gaaraya WN ayaa muujinaya in wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland uu shirar la yeeshay ganacsata miisaanka iyo saameynta ku leh suuqyadda Puntland oo uu kala hadlay qorshaha xukuumadu waddo.

Hadaba lacag cusub oo suuqyada Puntland soo gasha maxaa ka dhalan kara?

1. Sixir maceeshada oo cirka isku shareera (Inflation).

2. Qiimaha lacagta Shilinka Soomaaliga oo hoos u dhacada (Devaluation).

3. Suuqyada oo maalinba waji cusub lasoo bixi kara (Market turmoil).

4. Tayada mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidamada dawladu qaatan oo hoos u dhici karta, taasoo sababi karta in nolasha qoysaska kutiirsan ay hoos u dhacdo.
5. canshuuraha  la qaadi jiray oo ay adkaan doonto in lasoo aruursho, maadama lagu khasbanaan doono, lanbar ahaan in lasiiyaado lacagta, madaama ay suurta gal tahay in qiima dhacdo lacagtu.
dhammaan arimahaasu waxay saameyn balaaran ku yeelan karaan arimaha dhaqaalaha iyo amniga Puntland.

Qore: Awil Muhiyadin Ahmed

Finland.

Share This Post

Post Comment