Maqaal:Tabriibe Talo xumaa!

Maqaal:Tabriibe Talo xumaa!

aa

 

Go’aan qaadashada qofka waa shey u sahla inuu ku dhaqaaqo arin maskaxdiisa ka guuxaysa, waxana dhacda inuu sameeyo talooyin ,la sheekaysi nafsadiisa iyo shakhsiyaad kale taasoo ugu dambeyn ku riixda inuu sameeyo waxii arinkaasi ka soo baxa.

Waayadan dambe waxa soo badanaysay falalka dhalinyaradeena ay uga baxayeen wadanka Soomaaliya iyagoo u bareeraya silic iyo dhibaato uusan ka sheekayn Karin qofkii arka mooyee,taasoo ah tahriibta.

Xaqiiqada ma ahi shaqsi inta badan faaleeya arimaha bulshada laakin qoraalkan maanta waxaa igu kalifey arrimo aan u adkeysan kari waayay oo aan ka dhaxalney taahriibka,kuwaasi oo ay ka mid tahay ,oohinta Hooyooyinkeenna, dawarsiga aabbe Soomaliyeeda , kufsiga iyo faraxumeynta loo geysto hablaheenna u bareeray tahriibka , jirdilka,dilka iyo xabsiga loo geysanayo dhalinyaradii mustaqbalka.

Tahriibtu waxay ka mid tahay go’aamada qaldan balse la saxan dhalinyarada soomaaliyeed iyagoo raadinaya sidii ay u soo arki lahaayeen wadama reer yurub oo dhalinteenu ku seexdaan kuna soo toosan iyagoo dhex jooga, balse maxaa dhaca inta aysan gaarin yurub iyo marka ay tagaan?.

Waxaa nagu wada maqaala ah inaysan yareyn hawsha iyo wadada dheer ee ay maraan dhalinta ka gudbaya saxaaraha Liibiya iyo badda meditrenianka aysan ahayn mid sahlan oo la dhayalsan karo balse loo maro ciqaab iyo rafaad tiro badan oo ku dhaca mustaqbalkaaga iyo noloshaadaba, dhibkaasi oo ay la wadaagaan wali diintood.

Run ahaantii hadii aan ka soo qaado dhibka ay marayaan inta ku guda jiraan safarkaasi waxaa ka mid ah.

  • Oon iyo Gaajo tira badan oo ku qabsata saxaaraha
  • gubidda cad-ceedda maalintii
  • Dhaxanta daran ee habeenkii
  • jir dil ay u geystaan dadka ka shaqeeya arrimaha tahriibta,kuwaasi oo iska leh hantida ay raacaan iyo tusida halka ay rabaan.
  • Fara xumeyn lagula kaco hablaheenna
  • Iyo baaba’a mustaqabalka ruuxii hawshaasi u bareeray

Docda kale dhibaato taasi ka daran waxaa la kulma waalidiinta qaasatan Hooyooyinka oo awal ku jaah wareersanaa korinta dhallaanka iyo soo dhicinta biilka , maadaama in badan oo ka mid ah Aabayaasha Soomaaliyeed ay ka gaabiyeen doorkoodii.

Waxaana dhacda in hooyo aan haysan wax hanta ah uu tahriibo mid amba labo ka mid ah dhallaankeeda isla markaana uu taleefoon u soo diro magafe iyo ma qade isla markaana ay weydiiyaan ilaah dhowr kun oo dollar, hadii la bixin waayana qur gooyo uu la kulmi doono ilmaheeda , kolkii ay saas ma qashana hooyo wax ka calool jilicsane waxay la kulantaa dhibkan.

  • Xaraashka hoygeeda iyo hanti waxay meel ku maleynayso
  • Dawar iyo tuugsi ay ugu dhaqaaqdo dadka dariska iyo qaarabadeeda ah
  • Ilmo iyo naxdin ay daris la noqoto sacada walba
  • Fakar aan dhammaaneyn iyo bohol yoow baahsan

Cakuye hooyo macaan dhibkaas miyay muteysatey dhalinyarooy?.

Dhalinteenna iyagoo arrinkaasi ka dharagsan ayaa waxaa muuqata inay isug faan ka dhigteen hebel waa tahriibey ee adna tag , hebel waxa uu isku soo sawirey guri qurux badane halkaasi tag, hebel waxa uu qaatey sharci Germany ah ee adna qaado.

Maxaa keeney Tahriibka?.

Xaqiiqada inagoo ka wada dharagsan waxyaabaha kalifa tahriibka ayaa anigu aaminsanahay in dhawr arimood sababtey inay tahriibaan dhallinyaradeen rag iyo dumarba.

ü  Muuqaalo qurxoon oo ay soo dhigaan baraha bulshadu ku sheekeystaan qaar ka mid dhalinyaradii horey u tahriibey

ü  Qurbo jacayl ay kalifeen dadkeena masuuliyiinta ah taasi oo aan ula jeedo;

Waxaa dhacda in ay jiraan dhalinyaro badan oo wanaagsan wax baratey ka fakarey mustaqbalkooda u diyaar garoobey inay maskaxdooda iyo aqoontooda uga faa’iideeyaan dalka,balse taa badalkeeda laga doorbido shaqsiyaad da’a ah oo in badan qurbaha kunoolaa amba ajaanib kuwaasi oo la siinayo fursadaha shaqo ee dhalintii dalka joogtey la dooney inay ka shaqeeyaan.

ü  Waalidiinta

Waalidiintu waa sida faraha oo kale mana sinna laakiin waxay inta badan ka qayb qaataan sidii ay dhalinyaradu maskaxdooda u galin lahaa inuu tahriibo, marka laga manciyo in la siiyo si wax ugu qabsado, halka goorta uu tahriiban loo dirayo maalaayin lacaga ah.

 

Qiso:” Waxaan Tahriibta igu kalifey caqabado aan kala kulmey waalidkeyga”.

Waxaa dhacdey in sheko na dhex marto aniga iyo inan aan saaxiibo ahayn oo aad u jeclaa in mar uun uu tago qurbaha , waxaana arrinkaasi maskaxdiisa xilligii uu ku jirey dugsiga sare , waxaa lagu maaweelin jirey in loo sameyn doon layn uu ku tago qurbaha balse waxaa shuruud looga dhigey inu dhammeysto waxbarashada dugsiga sare ,muddo ka dib inankii waa uu dhameyey dugsigii sare waxa uu u tagey walidiintiisa waxaa u weydiistey linekii loo ballan qaadey balse halkii uu ka filayay in loo wado amba loo hawl gali doono ,lagu yiri ha is waalin ee dhigo jaamacadaha dalka, cid dhoof kuu haysa ma jirtee.

Inankii arrinkii aad buu uga xumaadey waxa uu ku dadaaley inuu isagu isa soo saaro oo uu ka kaaftoomo hawshaasi ,waxa uu galay jaamacad mudda hadii uu wadey waxa uu ku fikirey inuu billaabo Ganacsi si uu isugu mashquuliyo xilliga uusan lahayn jaamacadda , hanti uu hawshaasi ku galo ma heysan ee waxaa uu walidkiis ka codsadey inay arrinkaasi u sameyaan , balse maxaa loogu jawaabey,”Annag lacag ma hayno jaamacadaada dhigo xilligii ALLE wax keeno waad helin”. Intaas kuma qancin. Dhuumaaleysi ayuuna magaaladii uga baxey isagoo qabtey dhankaasi wadama dariska ah oo uu doonayay inuu ka sii amba qaado safarkiisa

Maxaa dhacey mar hadii inankii uu tahriibey .

Labadiisii waalid waxa ay billabeen inay ku dhaqaaqaan sidii inankooda jaamac dibadda ah loogu heli lahaa muddo gaban ayaana hawshaasi loogu dhameeyay , balse inankii hawshaasi ma qancin ee maankiisa yurub ayaa ka guuxin waana tagey waxa uuna u bareeray safarkaasi dhibta badan , xariga , dil iyo dhibaato ayuu marey , walidkiina kharash badan ayay baxsheen, ugu dambeynna yurub ayuu galey.

Yurub maxaa uu kala kulmey.

Muddo saddex sano ah ayuu sugnaa qaar ka mid ah wadama yurub oo tahriib ku galay wali ma helin nolol wanaagsan , sharci iyo raaxadii uu horey isu dhihi jirey waad ka helaysaa , waxaa uuna saacad walb ku calaacalaa ALLOW YAA MAR DALKAAGI KU CELIYA.

Sheekadaasi waxaan ka soo wadey inankaasi ma uusan rabin inuu tahriibo laakiin waxa uu rabey inuu helo waxbarasho fiican iyo sidii uu ku sameysan lahaa wax soo saar wanaagsan laakiin waxaa caqab ku noqdey waliidkiisii oo u arkayay ilmo yar oo ay maamulayaan , sidaas ayaana ku iri walidka qaar ayaa kalifa in dhallaankooda tahriiabaan.

Maxaa laga dhaxlaa Tahriib.

In badan waxay aaminsanyihii hadii la tahriibo in la gaarey wadadii guusha laakiin arinku sidaas ma ahan, waxaa dhacda in dhalinyaro badan ILAAHAY ka bad-baadshey dhibkii tahriibka oo ay gaareen halkii ay ku haminayeen , balse waxaa isweydiin mudan hadafkoodi ma rumoobey, sharaftii ay doonayeen ma heleen , shaqadii wacneyd ma heleen , baasaboorkii ay doonayeen ma hantiyeen, su’aalahaas iyo kuwo badan waxay leeyihiin hal jawaab oo qura taasi ah MAYA.

Ruux tagay wadan uusan u dhalan misna tahriib ku yimi waa cadahay in dalka uu u tagey uusan sharaf ka lahayn laakiin ay u ogolyihiin oo kaliya inuu nolol yar helo taasi oo aan sharaf weyn sii lahayn , isla markaan uu qaato xoogaa yar oo ceyr ah laguna quudi weel yar oo uu soo galayo saf dheer.

Xaqiiqdii qof damiir leh kuma hamiyeen inuu ka tago ciidiisa oo uu sidii uu rabo ugu lado har iyo habeen,kama doorteen gumeysi iyo cago jugleyn loogu geysto wadan shiisheeye.

Mid ayaan soo ogaadey!.

Waxaan aqaanaa dhalin aad u badan oo aan isku class soo ahaan jir qaar isku xaafad wada ahaan jirna halka kuwa kalena banooniga wada dheeli jirney, in badan dhalinyaradaasi ka mid ah waxay wada joogaan wado badan oo ka mid ah yurub waxaan ka wada sheekeysannaa goobaha bulshada isug timaado sida Facebook iyo waxyaabaha la halmaama waxaana weydiiyaa su’aal qura dhammaantood taasi oo ah “ma soo tagaa?”. Wali ma helin qof I dhaha soo tag dhammaantood waxay ku calaa calaan adaa naga nasiib badan oo wadankii jooga maanta hadaan heli lahaa wax isoo celiya waan soo laaban lahaa , midaasina waxay ka dhigantahay dayaca iyo duruufaha ku haysta wadamo shisheeye.

 

Maxaan ku xallin karnaa joojinta tahriibka?.

Runtii arrin kani ma ahan mid la fududeysan karo ee waxaa uu noqdey kansar ku beermay dhallaankii wadanka , ubaxii soo korayay iyo jiilkii dalkeenna ka saari lahaa marxaladda uu ku jiro, ani ka shakhsi ahaan waxaan qabaa in aan ku xallin karno siyaabahan soo socda.

  • In dhalinyarada loo sameeyo siyaasad qeexan oo ku aadan qaabkii loo jahayn lahaa xilliga ay dhameeyaan dugsiyada sare
  • In la sameeyo shaqa abuur
  • In la sameeyo barnaamijyo madadaalo oo dhalinteena lagu maa weeliyo sidii aysan ugu fakarin tahriibka
  • In la sameeyo wacyi galin joogto ah iyo barnaamijyo looga hadlayo dhibaatada tahriibtu leedahay iyadoo la soo bandhiga xaqiiqooyinka jira

 

Dar-daaran.

Anigu waxaan ka mid ahay dhalinyarada ku dhaqan Garoowe Puntland Soomaliya waxaana aad uga soo horjeeda inaan ka tago wadankeyga Soomaaliya, anoo fikirkaa aaminsan una arka inaan ku saxanahay ayaan doonayaa inaa maqaalkan uga faa’iideysto waano iyo talo soo jeedin aan u gudbinayo dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan intii qoraalkan EEBBE u qadaro inay arkaan.

Dhalinyarooy dhammaanteen masuuliyad ayaa ina saaran , Aakhiro waa la ina weydiinayaa halka aan waqtigeenna ku soo luminay iyo wax yaabah aan xoogeenna iyo caafimaadkeenna uga faa’iideysanney, ee aan joojinno tahriibta.

Qof walba waxa uu wax ku yahay inta uu joogo dhulkiisa , wehel ka dhiganayo waalidkiis iyo walaalahiis, waxaan idiin sheegayaa inaan dhul shisheeyo aysan waxba oollin hadii khayr lagu ogyahay kuwa 40sano joogey kama soo guureen oo wadanka kuma soo laabteen .

Waxaan kaloo rabaa inaan fariin qaas ah u diro hablaheenna oo runtii dhibaatooyin aan halkan ku soo koobi karin la kulma xilliga ay tahriibayaan , waxaana leeyahay walaalayaal iska dhaafa tahriibka oo booskeeda ku badala abuurka dalageena iyo qurxinta wadankeenna.

Ugu dambeyntii waxaa qoraalkan igu kalifey inaan qora markii aan arkey sida loogu dhiiranayo falkaas aan wanaagsanayn isla markaana aan arkayo dhalinyaro badan oo u hanqal taageysa dhibkaasi , walaalayaal ka weecada dhibka tahriibka oo ka qayb qaata dib u dhiska dalka.

Gaba-Gabo

Wixii aan qalday nafteyda iyo sheeydaan ayay ka ahaadeen , wixii aan saxayna EEBBE ha na solon siiyo kheyrkooda, hadey jiraan cid aan u gefey ha iska key cafiyaan runtii waxaan u adkeysan waaya dhibka muuqda ee ay sababtey tahriibku.

Talo iyo Tusaale ku soo gudbin cinwaanka hoose

Cmxayir@gmail.com

W/Q C/risaaq Maxamed Xayir

Garoowe/Puntland/Soomaaliya

Share This Post

Post Comment