Ururka Hormarinta Sports-ka ee Dalka UK oo agab ciyaareed soo gaarsiiyay wasaradda Sports-ka Puntland (Sawirro)

Ururka Hormarinta Sports-ka ee Dalka  UK oo agab ciyaareed soo gaarsiiyay wasaradda Sports-ka Puntland (Sawirro)

Wasaradda Ciyaaraha iyo dhalinyaradda Puntland ayaa maanta waxaa lagu wareejiyay qalab ciyaareed oo ka yimi ururka hormarinta ciyaaraha oo ka dhisan wadanka UK.

Qalabkan ayaa isagu jiray Koobab & Bilado waxayna madaxda Ururkaasi usoo wakiisheen Agaasimaha guud ee dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Mudane Axmed Cabdalle Maxamuud ”Tigaano” oo ka mid ah qurba jooga magalada Lodnon wuxuna Axmed qalabkan ku wareejiyay wasiirka Shaqada,shaqalaha,dhalinyaradda iyo ciyaaraha Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdulle.

Axmed Tigaana oo saxafada la hadlay ayaa sheegay agabkan ka yimi Ururka hormarinta ciyaaraha in loogu talo galay dhalinyaradda ciyaaraha kala duwan ee Puntland maadama ay socdaan ciyaaraha gobalada.

Wuxuna sheegay inay ku ammaanan yihiin ururkaasi sida wanagsan ee ay uga shaqeeyaan hormarinta ciyaaraha kala duwan ee Dalka.

Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyaradda Cabdiraxmaan Shiikh Axmed oo Qalabkan gudoomay ayaa sheegay inay wax badan ka tari doono baahida dhanka qalabka ciyaaraha loo qabay.

Wasaradda Ciyaaraha Puntland ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii looga shaqayn lahaa hormarinta ciyaaraha kala duwan.

1

2

4

7

11

 

 

Share This Post

Post Comment