Soomaaliya mar kale dhiig waa loogu Wan-qali! W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan

Soomaaliya mar kale dhiig waa loogu Wan-qali!  W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan

[Markaan ardayda ahayn, waan garanayaa, waxyaabihii ugu waawey ee aan ilaa iyo hadda qalbigayga ka go’in qayb weyn ka ah waxyaabaha qalbigayga damqa marka aan fiiriyo dhibaatada dalkayga ku dhacday; waxaan garanayaa markaan u socono iskuulka basaska dad-weynaha lacag laynagama qaadi jirin oo darawalka wuxuu dhihi jiray “ Ardayda lacag ha ka qaadin” ooh!! Yaa heli kara?! Dunida waxaas kama jiraan Hantiile sidaas deeqsi u ah oo maalin kasta ardayda gaadiidkiisa lacag la’aan ku raacayso ma jiro! Sidaasoo kale ayeey ahayd maqaayadaha aalaaba haddii aad soo gasho adigoo dharkii iskuulka(Unifomr-kii) qaba, sidaas si la eg meelaha khudaarta lagu gado haddii aad soo ag marto odayga ama islaanta gadaysa inta farqaha kuu buuxin jirtay…]

Waxaa waajib ah oo saaran macalimiinta dugsiyada dhiga inay ilmaha baraan dhaqanka Soomaaliyeed, qofka Soomaaliga ah sida uu hankiisu yahay, sida uu uga dhiidhiyo gar-darrada, iyo hanka iyo qabka ku jira, iyo guud ahaan sida uu u fekero…. Waxaan xasuusnahay aadna aan u jeclaa marka Ayeeyooyikay ay iiga sheekeyaan sheeko xariirooyinkk caamka ahaa, kuwaasoo aan is leeyahay wax badan bay ka qaateen siyaabaha aan u fahmay loolanka ka dhexeeya Garta iyo Gar-darrada, iyo waliba inuusan dhamaanayn loolanka iyo dagaalka ka dhexeeya xaq iyo xaq-darrada.

Ilmaha yar-yar bar inuu isagu leeyahay DHulka, Badda, iyo Cirka Soomaaliyeed, qof kasta oo bini aadam ahana uu leeyahay meeshii uu Alle ku beeray ee ay awoowayaashii dhiseen isna uu ka dhaxlay, sidaaspp kalana isaga laga rabo inuu dhiso markiisa si ay uga dhaxlaan ilmihiisa iyo kuwa ay sii dhalayaan, Dal-xiis u wad, uga sheekee guud ahaan taariikhda dakiisa, sida loo qaybiya dalkiisa iyo cidda qaybisay……

Waxaa iyadana talo aad u wanaagsan ah in barayaasha wax ka dhiga Jaamacadaha, Machadyada, iyo Dugsiyada sare ay maalmaha qaarkood ardayda iyo guud ahaan dhallin-yarada kalaba u qabtaan kulanno iyo doodo la xiriira xaaladda dalka ku suganyahay, joogitaanka ciidammada tiradooda 22-ka kun kor u dhaafayso, iyo waxa ay la tahay mustaqbalka dalka inuu noqonayo! waxaa iyadana arrin muhiim ah oo barayaasha meel ay joogaanba looga baahanyahay inay sameeyaan arday ergo ah oo ay is weydaarsadaan dugsiyada Sare, machaddada,iyo jaamacadaha dalka ka jira oo dhan si faham midaysan oo la xiriira xalka dalku u baahanyahay ay isaga wareystaan si ay u arkaan khataraha imaan kara.

Kulannada noocaas haddii ay qabsoomaan waxay suuro geli karaan in si buuxdo loo fahmo dabeecadda guud ahaaneed ee xaaladda uu dalka ku suganyahay, waxayna irridaha u furaysaa dareen abuura feejignaan dad-weynaha ay indhaha ku hayniyaan arrimaha dalka ka socda, kulannadaan oo aan ahayn ama aan noqonayn kuwo qarsoodi ah ayaa loo baahanyahay inay ka madax-banaanyihiin cadaadis uga yimaada siyaasiyiinta, dowladda iyo hay’adaha kale ee saameynta iyo danaha siyaasadeed leh.

Waxaa kulannada noocaan ah ka soo qayb geli kara xubno ka tirsan askartii iyo saraakiishii hore ee hawl-gabka ah oo lagu soo xulay in lagu yaqaan wadaninimo, culummada diinta, ganacsatada, odayaasha dhaqanka, ee uu kulankaas marti-qaado si ay ula wadaagaan talooyinka iyo xogaha u baahan in laysla falanqeeyo, waxaana taaba gelinta iyo faafinta fikradaha kulannadaas inuu fidiyo looga baahanyahay Saxaafadda Soomaaliyeed si dad-weynuhu guud ahaan u noqdaan kuwo u soo jeeda danaha dalkooda si dhib yarna ula jaan qaadaan xaaladaha ka jira dalka.

Ardayda waxaa sidaasoo kale loo baahanyahay in la baro inaan loo adeegsan dalkooda iyo dadkooda, arrimahan oo dhan waxaad moodaa inaan si u garab marnay walina aan garab marsannahay, waxaana mar, labo, iyo seddexba waajib ku ah hay’adaha wax-barashada iyo waalidiinta, in dhallinta soo kacday ama ardayda dugsiyada iyo jaamacadaha dhigtaa, la baro, dhegahooda la maqashiiyo inay yihiin Soomaali, una dhasheen Soomaaliya, oo dhulkoodii ay tahay, isla markaasna uu ku faano Soomaalinimmada, ma aha inaan is moodssiino ama aan iska rumaysnaano dhallintu in sidii la rabay u fahamsanyihiin arrintaas, waxaana taas cadayn u ah sida sahalka ah ee ururka al-shabaab uu gua hor keenay dadkoodii, sidaasoo kale baa cadow kastana ugu soo adeegsan karaa! Mid madow iyo mid cadaan ahba!

SHaki kuma jiro, waqti ku filan lama gelin aradayda iyo dhallin yarada ka soo baxay ama wali dhigta dugsiyada iyo jaamacadaha si loogu taba-baro xuquuqda dadka iyo dalku ka sugayaan iyo midda uu isagu ku leeyahay, waxaana dhici karta in qaar badan oo iyaga ka mid ah aysan aqoon waxa dowladnimo ay tahay, iyo waxa ay u taagantahay, arrintan ma aha ina la yaraysto, wax badan waa in la hubiyo ee aan lays moodsiin, waayo ilmihii dhashay 24kii sano ee u dambeeyay ma aysan arag maamul iyo kala dambeyn, waxaana qaar badan oo iyaga ka mid ah ka dhaadhacsan ama ay la tahay sida xaalka dalka hadda yahay inay dowladnimadu tahay……

Ma la hubaa in AMISOM hawl-galkeeda ku egyahay sida Soomaalida badankeed ay qabaan sugidda ammaanka iyo inay dowladda gacan ka siiso hannashada talada dalka? Sidee baa laysugu haleyn karaa xubinimmada AMISOM ee Itoobiya iyo Kenya oo iyada hadda fara baxsad ku ah biyaha dalkeena, iyadoo ay daba fadhiyaan Norway iyo Israa’iil? Bal malee hawsha ina hor taal way ka baaxad weyntahay sida dadka qaarkii qiyaasiyaan…….

Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
_______________

Waayaha.com Waxa ay Tixgelin Gaara Siinaysaa Maqaaladaha Sida Gaarka ah Loogu soo Diro ee aan Lagu Daabicin Mareego kale.

 

Share This Post

Post Comment