Gobonimadii 26, Juun iyo Guuldarada Gayiga Soomaaliya W/Q Cabdinuur Faarax Maxamud

Gobonimadii 26, Juun iyo Guuldarada Gayiga Soomaaliya W/Q Cabdinuur Faarax Maxamud

Sallaamullahi calleykum Walaalaha Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan marka hore waxaan idin leeyahay Hambalyo 26, Juun oo ku beegan maalintii dhulkeena hooyo qayb kamida ay hanteen guusha gobonimadda waa goboladda waqooyi ee Jamuuriyadda Federalka ee Soomaaliya waa Goboladda Somali,land.

Malin xasuus mudaan

26,Juun 1960 waa maalin xasuus wayn ku leh qaaraad waynta África khaasataan geeska Afrka siiba Soomaaliya wa maalintii ay Xornimada qaateen Goboladda Waqooyi ee Soomaaliya waa Maalintii Calanka)- Baluuga ee Soomaaliya laga taagay Magalada Hargaysa in kastoo dhawac wayn uu soo gaaray guushii Gobonimadda lagu hantay hadana waa maalin xasuus wayn ku leh Ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay jogaan dhammaan shanta Soomaaliyeeed-baa.

So gacmahena kuma aynan lumin gobonimadii 60kii la hantay?

Guushaas ay umadda Soomaaliyeed hanteen 26 Juun laguma helin hadiyaad ee waxaa naftoota u wayey halgamayaal Soomaaliyeed kuna taamayey inay maalin uun gaari doonaan gobonimo gun adaag leh waana ku guulaysteen guushii ay u Halgamayeen waxaase guul dareeyey oo lumiyey kuwii ka dabeeyey oo gacmahooda ku lumiyey gobonimadii Gumaysiga laga fará maroojiyey.

Maloo abaal guday kuwii dhaliyey gobonimadda?

Waxaa markhaati madoontaa inaan loo abaal gudin dhammaan halgamayaashii Soomaaliyeed ee dhaliyey guushii ay 26 Juun maalintaas oo ah maalin umadda Soomaaliyeed ku wayn ahnaa maalin mudan inaan xusno saqiir iyo kabiirbaa waayo Waa maalinta aan iska rognay reer yadii gumaysiga waa maalin an helay xornimo Umadeed iyo xornimo qaraan in kastoo manta xalku si kale yahay.

Halkii laga tagay Calanka Soomaaliya

Hargaysaa iyo 26Juun Magaaladda Hargaysaa waa Caasimadii labaad ee Jamuuriyadii jamuquraadiga ee Soomaaliya ka hor intaan bur-burku dhiciin islamarkaasna aan la Qaadan nidaamka Federalka ee hada Soomaaliya qaatatay maanta Hargaysa Siyasiinta Soomaaliyeed ee ku sugan waxaay ku doodayaan inaysan Soomaaliya ka mid ahayn lagana xusi karayn maalintaas 26 Juun wana guul daro Soomaaliya haysataa inaan heerkaas gaaro.

Somali-land yey Xornimadda ka qateen?

Xitaa hadii Gobolladda waqooyi ee Soomaaliya ay saluugsan yihiin ama diidan yihiin siyaasadda konfurta Soomaaliya oo ay ku doodayaan waxaan noqonaynaa Dawlad gaara miyey iloowsan yihiin in Goboladdaas ay xorniadda ka qateen ingiriiskii 26 juun 1960kii hadiisa laga xuso Hagaysa maalinta Xornimadda 26 Juun, ma khalad ayey ku tahay mise waa tariikh wayn oo mudaan inla xuso?

Guuldaradda Soomaalida haysata maanta

Halkii laga taagay Calan Soomaaliyeed waa Hargaysa manta iska daa in laga xusee xitaa Qofkii lagu arko waa xarig Mas,uuliyiinta Somali,land-naa waxay ku doodayaan inaysaan Soomaaliya` ahayn ee ay yihiin wadan kale oo xornimadda qaatay 18 maajo laakiin su, aasha is waydiinta mudaan yey ka qaateen xornimadda oo gumaystay Reer Somalind?. Soo nasiib daro mahan inaan tariikhdeena gud ku ridno.

Dhanka Koonfurta Soomaaliya waxaa ka jirta jaha wareer wayn taas oo dhalisay Qaran jab wayn calankii iyo gobonimadii ay Reer Hargaysa keneen Casimadii Soomaaliya ee Muqdisho manta waxay noqotay meel ay ilaaliyaan ciidaan ajanabi inta badaana Shacabkii Soomaaliyeed-naa ay iska carareen soo guul daro mahan? yaasa laga Sugayaa guusha labaad ee Soomaaliya isku imaan karto?

Gabogabo

Umaadda Soomaaliyeed 26, Juun waa maalin ay heleen guul iyo gobonimo wayn laakiin waxaa ku dhacay guuldaro wayn kadib markii aan inagu isku noqonay cadow markii aan inagu is gumaysanay is gumaadnay markii aan gacmaheena ku luminaay Gobonimadii la helay 50 sano ka hore waxaan umadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay gartaan halka ay ka yimadeen iyo halka ay maanta joogaan iyo inay ogaadaan xitaa inay inala yaaban yihiin kuwii aan gobonimada ka qadanay waana inaan gacmaha is qabsanaa Kanã gudubnaa guul darada aan gacmaha kula jiro.

Cabdinuur Faarax Maxamud
guuleed72@hotmail

Dhammaad

Share This Post

Post Comment