Faallo:- Aaway Balan-qaadkii Madaxwayne C.wali Cali Gaas ee Gobolka Sool ?

Faallo:- Aaway Balan-qaadkii Madaxwayne C.wali Cali Gaas ee Gobolka Sool ?

Waxaad mooda in Maamulka Puntland uu Daawanayo waxa ka socda Gobolka Sool iyo dhibta uu ku hayo Maamulka SNM dadka deeganadaas dagan , mana aha markii koobaad iyo labaad ee kooxda maamusha Maamulka la magacbaxay Somaliland uu dhibaato u geysto dadka reer Puntland ee ku sugan deeganadaas , waana deegaano ay mas´uuliyadi ay kasaaran tahay maamulka Puntland.

 

Waxa iyadana wax aan cidna ka qarsooneyn ah sida Itoobiya ay gacanta ugula jirto Arimaha Soomaaliya , oo maanta nin walba waa ay u muuqataa doorka aan qarsooneyn ay Itoobiya ka cayaareyso dagaaladii ay ku qaadeen Maamulka SNM deegaanadaas ka tirsan maamulka Puntland ,

 

Waxay Itoobiya sitoos ah iyo si dadbanba ugu taageertay Maamulka SNM inuu ku duulo deegaano nabdoon oo aan taabacsaneyn maamulkaas SNM , waxaana lagu macneyn karaa oo kaliya talabada Itoobiya  ee ku aadana marxalada ka soo cusboonaatay Gobolka Sool mid lagu dhabar jabinayo Midnimada Umada Soomaaliyeed .

 

Waxa iyadana wax aan la ilaawi karin ah hadaladii danbe ee  kasoo yeeray beesha caalamka, waxaana moodaa in beesha caalamka aysan ka dharagsaneyn sida ay noola muuqato wadciga Somaliya , oo meeshii laga doonayey aysan ku jeedin baaqooda.

 

Waxaana u aragnaa in beesha caalamka ay simeen kii dulmiga wadey ee khaldanaa iyo kii la dulmiyey ee laga gardarnaa , waana arin cadaalada ka fog goortii la simo kii la dulmiyey iyo kii wax dulmiyey .

 

Sidoo kalena waxa aan la irkiri karin in xukuumada C/wali ay ku fashilmatay arimaha siyaasada dibada Puntland , oo waxaad moodaa in dhulkii puntlandna xoog lagu haysto arimhii siyaasada dibadana nalagaga horeeyo oo maamulka SNM waxa uu kaga adkaaday Puntland ayaa la oran karaa dhankii Militery iyo dhankii siyaasadeed intaba ,

 

Taasna waxa sabab looga dhigi karaa waa fashalka xukuumada C/wali uu hogaaminayo , iyo isagii oo ah ama ula muuqday pulshada reer puntland nin jilicsan oo Faan badan , waxqabadkiisu yar yahay hadalkiisana uu badan yahay.

 

Waxaan kaloo oran karnaa waxa uu rajo xumo xoog leh ku riday Pulshadii reer puntland ee ku rajo weyneed isbadal inuu ka dhaco puntland , Pulshada rajadoodu waxa ka mid ahaa inuu noqdo kii mideyn lahaa dhulka Punland , oo waxyaabahii uu balanqaaday ayey ka mid ahayeen, sidaas darteedna reer Puntland rajo weyn oo sidaas ah kuma qabaan maanta C/wali iyo xukuumadiisa .

 

Teeda kale waxaan oran karnaa C/wali isbadalka uu sheegayo waaba wax kama jiraan inta dhulka Puntland qeyb ay maqan tahay , oo isbadalka uu sheegayo haduu run yahay waxa ay aheyd in laga wada hirgaliyo dhamaan Dhulka Punland .

 

Sida Dastuurka Puntland ku qorana Gobolka Sool waa qeyb ka mid ah qeybaha kale ee dhulka Puntland, wixii horumar ah oo Gobolka Mudug laga qabanayana xaq ayey u leeyihiin Reer Laascaano , sidaas darteedna waa in uu ka dhabeeyaa C/wali balanqaadkiisii oo uu xoreeya Dhulka maqan ee Puntland.

 

Dastuurka Puntland

 

Dastuurka Puntland waxa ku cad midnimada Puntland dhulkeeda iyo dadkeeda , waana waxa uu u dhaartay C/wali inuu ilaalinayo , kitaabkana gacanta uu u galiyey , sida dastuurka Puntland ku xusana , haduu ilaaway C/wali ha ogaado dadka reer Puntland  ineysan ilaawin waxa ka maqan iyo waxa ay haystaan .

 

Waxaan isku dayeynaa inaan marlabaad xasuusino C/wali balanqaadyadii uu ka jeediyey barlamaanka Puntland xiligii uu u tartamayey doorashada xilka madaxweyne-nimo ee Puntland oo waxa uu yiri wagaas sida tan.

Hadaba waxa looga fadhiyaa C/wali marka koobaad inuu noqdo mid xaqdhowra dastuurka Puntland , inta aanba la isla gaarin horumar kale , madaama dastuurka Puntland qodobadiisa 3 aad uu qeexayo Soohdimaha dhulka Puntland ayaa waxa looga fadhiyaa C/wali inuu la yimaado waxa qodobkaasi iyo faqarooyinkiisa qeexayo …

 

Qodobka 3aad ee Dastuurka Puntland 

 

Hadaba qodobkan faqaradiisa 1aad waxay leedahay – Puntland waxa ay ka kooban tahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, KoofurtaTogdheer (Deegaannada Buuhoodle), Mudug oo laga reebay Deegaannada Hobyo iyo Xarardheere iyo Gobolka Sanaag oo laga reebay degmada Ceel-afweyn iyo waqooyi- galbeed ee degmada Ceerigaabo.

 

Faqaradiisa  2aad – Soohdimaha Puntland waa kuwa Gobollada iyo Degmooyinka ay ka kooban tahay la lahaayeen derisyadooda dagaallada sokeeye ka hor,midnimada Puntland-na laguma soo xadgudbi karo; dhul, cir iyo bad toona.

 

Faqaradiisa  3aad – Inta ku siman soohdimaheeda (dhul, cir iyo badba), Puntland waxa ay leedahay xuquuqihii awoodeed oo u saamaxayay in ay ku difaacato soohdimaheeda cidii kusoo tacadidana kaga difaacato .

 

Isbadal Mise Dib u dhac  

 

Dad badani  oo reer Puntland ah ayaa maanta qaba in aan lagu tilmaami karin waxa ka jira Puntland Isbadal , qaarkoodna waxayba ku oranayaan ” Alow yaa odeygii soo celiya ducana ugu daro ” iyagoo uga jeedo Yaa mar noo soo celiya Dr . Abdirahmaan Faroole kuna tilmaamaya C/wali iyo kooxdiisa kuwo dalka usoo shaqo tagey oo aan kala jecleyn iskabadaa iney horumar gaarsiiyaane.

 

Waxay ku oranayaan inta C/wali uu joogay oo  uu Madaxweynaha ka ahaa Puntland kaliya ayaa Maamulka SNM waxa uu xoog ku qabsaday deegaano ka tirsanaa Maamulka Puntland , xukuumada Puntlandna wax aan canbaareyn iyo dhaleeceyn aheyn oo kale lagama hayo .

 

Waxay ku oranayaan oo kale intii yareyd ee uu C/wali ka ahaa Puntland madaxweyne waxa uu dalka dibadiisa safar ugu baxay 25 jeer , qaakoodna safaradaas  waxay qaateen 5 maalmood iyo ka badan oo waxaaba yar bey ku leeyihiin inta C/wali uu ku sugnaan xafiiskiisa caasumada Puntalnd ,   iyo inta jeer uu kulan la qaatay xukuumadiisa.

 

Waxa kaloo yar ayey ku leeyihiin inta jeer uu siyaaro ku tagay hay’adaha dowlada looga arimiyo , taasina waxa ay kuu cadeyneysaa sida uu u yahay nin aan waxba kala soconin dalkii loo doortay.

 

Ugu danbeytiina waxaan ugu baaqayaa C/wali inuu wax ka badalo qaabka uu wax u wado maanta , xoogana saaro sidii uu usoo celin lahaa dhulka Puntland ka maqan ee uu  balanta ka qaaday soo celintiisa , waxaan kaloo barlamaanka Puntland ugu baaqayaa iney doorkooda kasoo baxaan wixii xukuumada ka gaabisana ay kula xisaabtamaan , ileyn iyagaa matala Pulshada oo aysan noqonin kuwo iyagana ka gaabiya doorkii ay Pulshada ka sugeysay.

 

WQ: Mahamed Saciid Diiriye

DAABACAADII WAAYAHA,NET

Share This Post

Post Comment