Cristiano Ronaldo: Diyaar Ayaan U Ahay Inaan Ka Horimaado Germany.

Cristiano Ronaldo: Diyaar Ayaan U Ahay Inaan Ka Horimaado Germany.

Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuu boqolkiiba boqol taam yahay islamarkaana uu diyaar u yahay inuu Portugal ku hogaamiyo kulanka Group G ee ay la ciyaarayaan habeen danbe xulka Germany ee ka dhacaya Arena Fonte.

Taam ahaanshaha Ronaldo ayaa inta badan daboolay waxyaabihii looga hadlayay ka hor ciyaartaan ka dib markii uu ka baxay tababarka Portugal iyadoo baraf uu jilibka uga xiran yahay isbuucii hore.

Laakiin xiddiga Real Madrid ayaa sheegay inuu xaalad fiican ku jiro oo uu awoodo inuu wadankiisa u safto kulanka ay la ciyaarayaan xulka Germany.

“Dhibaatada taam ahaansho dhamaan waa wax la soo dhaafay” ayuu Ronaldo ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Salvador.

“Tan iyo bilowgii xirfadeyda ciyaareed ma jirin hal maalin oo aan ku ciyaaray xanuun la’aan. Kaliya waa qeyb ka mid ah shaqadeyda.

“Diyaar Ayaan ahay, waxaan dareemayaa inaan fiicanahay…. Ma jirto wax aan cadeynayo. Hal ciyaaryahan ma ahan koox dhan. Kooxda oo dhan dusheyda kuma qaadi karo.”

Share This Post

Post Comment