Sawirro: Puntland oo ingiriiska codsi u dirsatay.

Sawirro: Puntland oo ingiriiska codsi u dirsatay.

 Garoowe(WNT):- Waxaa maanta  Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu la kulmay Madaxa Hay’adda Kaalmada ingiriiska ee Soomaaliya Mr Phil Evans iyo ku xigeenkiisa Haweenayda lagu magacaabo Mrs Rebeeca Tevzeone  ,kuwaasi oo uu kala hadlay qaabkii Puntland looga caawin lahaa dhinacyada Waxbarashada ,Caafimaadka, Ammaanka iyo nidaamka Dimuqraadiyada oo la filayo in Puntland laga hirgaliyo dhawaan.

Madaxwaynaha Dowlada Puntland ayaa masuuliyiintaasi u Cadeeyay in xukuumadiisa ay ka go,antahay la dagaalanka musuqmaasuqa,isla markaasna ay ku howlan yihiin hormarinta iyo hirgalinta Dimuqraadiyada,Kobcinta iyo Kor uqaadida dhaqaalaha Puntland.

Madaxa Hay’adda Kaalmada ingiriiska ee Soomaaliya Mr Phil Evans   ayaa sheegay in hay’addiisu ay haatan heegan ugu jirto sidii ay u caawin lahaayeen Dawladda Puntland.

Shirkaan dhexmaray labada dhinac ayaa intii uu socday waxa la isku waafaqay sidii loogu dhaqaaqi lahaa caawinta iyo taakulayta Puntlad.

IMG_3695-450x300

IMG_3707-450x300

IMG_3706-450x300

IMG_3706-450x300 (1)

IMG_3704-450x300

IMG_3703-450x300

IMG_3690-450x300

IMG_3698-450x300

 IMG_3686-450x300

IMG_3681-450x300

IMG_3680-450x300

Waayaha.net

Garoowe

Share This Post

Post Comment