Sawiro:Koox ku cayaaraysay magaca Garoowe oo Garoowe lagu soo dhaweyay.

Sawiro:Koox ku cayaaraysay magaca Garoowe oo Garoowe lagu soo dhaweyay.

Garoowe(WNT):- Magaalada Garoowe waxaa maanta soo gaaray koox ku cayaaraysay magaca Garoowe oo ka qayb gashay koob ka socday magaalada Daara-salaam ee dalka Tansaaniya kaasi oo ay ka qayb galeen laba kooxood oo ka kala socday Garoowe iyo Hargaysa.

Kooxda ku cayaaraysay magaca Garoowe ayaana gaartay Kama danbeysta Koobka kubada koleyga ee Caasimadaha Bariga iyo Bartamaha Africa .

Tan iyo markii kooxdan ku cayaaraysay Magaca Garoowe laga qaaday koobkaasi ayaa waxa ka socotay magaalada Garoowe qaban qaabo loogu jirey sidii kooxdaasi loo soo dhaweyn lahaa , waxaana la qorsheeyay inmaalinka Sabtida ay yimaadaan caasimada Puntland ee Garoowe.

Kooxdan ayaan soo gaartay Garoowe iyadoona ay Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ay kaga hortageen masuuliyiin  sar sare oo ka socota xukuumada talada haysa iyo xubno ka socday xukuumadii Faroole, kuwaasi oo ugu danbeyn u soo galbiyay gudaha caasimada Garoowe oo ay ku sugnaayeen kooxo aad u fara badan oo u jilbeysnaa sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen kooxdan magaca u soo hoyiyey Guud ahaan Soomaaliya.

Duqa Degmada Garoowe C/caasiis Nuur Cilmi ayaa sheegay in kooxday kor u qaaday magaca Garoowe iyo Guud ahaan Soomaaliya iyadoona gaarsiisay heer aysan koox ka horeysay.

Wasiiro ka tirsan Dawlada Puntland oo fagaaraha Garoowe caanka ku tahay kula hadlayay cayaartooydan iyo Dadweynaha soo dhaweynay ayaa sheegay in ay ugu hambalyeynayaan kooxdan magaca ay gaareen iyo guusha ay u horseedeen Soomaaliya

Daawo sawirada soo dhaweynta kooxdaasi

12345789101112131415161718192021222325262829303132333435363738394041424344454647484950515253230244Baki

Waayaha.net 

Garoowe

 

Share This Post

Post Comment