Roobabkii guga oo si weyn u curtay

Roobabkii guga oo si weyn u curtay

Roobabkii Gu’ga ayaa ka curtay gobolada Nugaal, Mudug,  Sool iyo Cayn, tan iyo xalay ilaa maanta ayaa cirku ahaa mid duruuro ay camireen waxaana meelo badan oo goboladaas mid ah ay laga soo sheegayaa roobab goos goos ah.

Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland  waxaa  saaka qabtay roob aan badnayn inkastoo roobku u badnaa dhinaca waqooyi iyo dhinaca galbeed, sidoo kale waxaa roobabku saaka ka da’een degaamada u dhexeeya  Kalabayr  iyo Burtinle oo ka wada tirsan gobolka Nugaal.

Dhinaca Mudug roobab ayaa ka da’ay dhinaca caduunka ee koonfur bari, welina cirku  waa cusub yahay. Gobolka Sool ayaa roobku ilaa xalay si fiican uga da’ay waxaana kamid ah Laascaanood, Kalabaydh, Saaxdheer, Dhumay, Daba,Taag, Yeyle, Xudun iyo Awrboogays.

Roobabkani waxay ku soo aadeen  xili uu jiro kulayl badan iyo biyo la’aan baahsan, waxaana magaalooyinka waaweyn laga sameeyey roob-doon.

Xafiiska Wararka Waayahanet

Share This Post

Post Comment