Raila Odinga Cambaareeyay raafka degmada Islii ee Nairobi

Raila  Odinga  Cambaareeyay raafka  degmada Islii ee Nairobi

R/ Wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga ayaa markii u horeysay ka hadlay howlgalada Ciidamada Kenya ka wadaan Xaafadda Soomaalida degto ee Islii.

Isagoo wareysi siinyay laanta Afsoomaaliga ee VOA-da ayuu howlgalada ku tilmaamay kuwa nasiib darro ah isla markaana Dowladda Kenya ku dhaliilay sida ay ula dhaqantay Soomaalida.

Wuxuu sheegay in ay jiraan qaabab kale oo lagu wajihi karay ama lagu xallin karay arrimaha taagan, waxaana uu tilmaamay in Soomaalida aysan metelin ama ka tirsaneen kooxda al-Shabaab.

Mr Odinga ayaa si cad u sheegay in ay jiraan dad Kenyaan ah oo ka tirsan amaba xiriir la leh kooxda xagjirka ee al-Shabaab.

Dhinaca kale wuxuu soo jeediyey in si taxadar ah xal looga gaaro khilaafka diblomaasiyadeed ee soo  dhexgalay Soomaaliya iyo Kenya. Dowladda Federaalka ayaa dib u yeertay todobaadkii tegay Safiirki u joogay Nairobi, kadib markii Booliska Kenya ay xireen Qunsulkii guud ee Safaaradda.

Hay’addaha Xuquuqda aadanaha u dooda iyo Siyaasiyin ayaa si kulul u cambaareeyay howlgalada Islii,iyadoo soomaalida loo gaystay dhac baahsan iyo xarig aan meel deyin.

Xafiiska wararka Waayaha.net

Share This Post

Post Comment