Madaxweyne Gaas oo casho u sameeyay dhalinyaro Cayaartooy ah.

Madaxweyne Gaas oo casho u sameeyay dhalinyaro Cayaartooy ah.

Garoowe(WNT):- Waxaa xalay xarunta madaxtooyada Puntland lagu qabtay munaasibad casho loogu sameynayay dhalinyaro cayaartooy ah oo shalay soo gaaray  Magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland,Ku xigeenkiisa ,Wasiiro iyo saaraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa goob joog ahaa Cashadan lagu soo dhaweynayay kooxda Garoowe City oo meel sare ka soo gaaray koob ka dhacay Wadanka Tansaaniya oo loo dhigay Magaalooyinka Caasimadaha kuyaalla bariga iyo bartamaah Afrika.

Hogaamiyaha kooxdan Garoowe city ahna Gudoomiye ku xigeenka xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed C/rishiid Baki ayaa ka warbixiyay marxaladihii ay ka soo mareen heerka maanta soo gaareen , waxa uuna xusay in magacaasi ay soo xera galintiisa ka danbeysay Shacabka iyo Xukuumada Puntland.

Baki waxa uu sidoo kale uu sheegay in caayaaruhu u baahan yihiin dad dhiiri galiy oo Ganacsato ,taasi oo uu tilmaamay in loo baahanyhay Ganacsatada Soomaaliyeed inay maal galiyaan Sportiga si looga fogaado in dhalin yaro ay ku dhiirato inay ku biiraan falalka aan munaasibka ahayn.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo soo xirtay dharka ay caanka ku yihiin ayaa sheegay in dhalinyaradan ay gaarsiiyeen magaca Soomaaliyeed meel wanaagsan isla markaana billadaha ay wataan ka qiima badan tahay koobka la qaaday.

Madxweyne ku xigeenka Puntland iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland ayaa dhankooda waxay sheegeeen in dhalinyaradan maanta gaareen heer aan Soomaaliya horey u gaarin.

21 20 17 16 15 10 11 12 13 14 9 8 7 6 2 1

Waayaha.net

Garoowe

Share This Post

Post Comment