Hoobiye xalay roobka lagaga dhigay qaybo ka mid ah degmooyinka Muqdisho

Hoobiye xalay roobka lagaga dhigay qaybo ka mid ah degmooyinka Muqdisho

Muqdisho(WNT)-Ugu yaraan afar qof oo shacab ah ayaa ku dhintay in ka badan 10-qof oo kalena way ku dhaawacmeen madaafiic hoobiyeyaal ah oo xalay ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Hoobiyahan oo ahaa mid aan kala go’ lahayn ayaa xalay 11:00 habeenimo xilliga bariga Africa waxaa laga maqlayay inta badan Muqdisho, waxaana madaafiicdan qaarkood ay ku dhaceen guryo ay dad rayid ah deggen yihiin.

Xubnno ka tirsan maamulka degmada Wadajir ayaa sheegaya in madaafiicdan ay ahaayeen kuwo lagu bartilmaameedsanayay jaamacaddii hore ee Gaheyr oo ah saldhig ay daggan yihiin ciidamada Burundi oo ka tirsan kuwa AMISOM.

Dhinaca ciidamada AMISOM lama oga khasaaraha kasoo gaaray duqeymahan, mana jiro hadal kasoo baxayoo ku aadan madaafiic lagu weeraray mid ka mid ah saldhigyadooda ku yaalla Muqdisho.

Inkastoo aan la ogeyn kooxaha ka dambeysa duqeyntan ayaa haddana mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada waxay sheegeen in laga tuurayay madaafiicda gaari yar, ayna ku raad-joogaan sidii ay kusoo qaban lahaayeen kooxahaas.

Dadkii ku dhaawacmay duqeynta ayaa la dhigay isbitaalka Madiina halkaasoo lagu daweynayo, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo degmooyinka gobolka Banaadir la duqeeyo xilli habeen ah.

Mudadii ugu danbaysey ayaa magaalada Muqdisho waxay ka nasatay madaafiicdii mirta ahaa waxaase hadda muuqata inay dib u soo laabteen.

Share This Post

Post Comment