Garoowe oo ay ka socoto soo dhaweynta kooxdii ku cayaraysay magaca Garoowe

Garoowe oo ay ka socoto soo dhaweynta kooxdii ku cayaraysay magaca Garoowe

Garoowe: Waxaa xalay illaa maanta laga dareemayaa magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland qaban-qaabada loogu jiro soo dhaweynta kooxdii ka qayb gashay koobka kubadda kolleyga ee bariga iyo bartamaha Africa ee ka dhacay Dalka Tansaaniya.

Caasimada Garoowe aya waxa haatan laga dareemayaa sidii loo soo dhaweyn lahaa kooxdaasi oo noqotay mid magac u soo hoyisay guud ahaan Soomaaliya ,iyadoona gaartay kama danbeysta koobkaasi.

Wariyaha Waayaha.net ee Garoowe oo haatan ku sugan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe aya sheegay in halkaasi ku suganyihiin masuuliyiin kala gedisan oo heegan ugu jira sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen soo dhaweynta Cayaar yahanadaasi.

Goor dhaw ayaa la filayaa inay ka soo dagaan Garoonka diyaradaha Garoowe, waxaana idiin soo gudbin doonaa faah faahinta warkaasi.

Waayaha.net

Garoowe .

Share This Post

Post Comment