FAALLO:- GUUSHII GAAS IYO QUUSTII SHACABKA PUNTLAND !!!. Qalinkii: Abdalla Adde

Abaarihii bishii Setemper 2013 ayay ahayd markii in badan oo ka mid ah shacabka Puntland dhegahoodu ku farxeen oo ay maqleen in C/wali Maxamed Cali (Gaas) uu u taagan yahay jagada Madaxtinimada Puntland janayo 2014.

 

Xaflado, Damaashaad iyo u Ololeyn ayaa caalamka wadamada Soomaali ku nooshahay  ka bilowday , waxayna dad badan u muujiyeen  Mudane Gaas taageero.

 

Sidoo kalena qaban qaabo taas la mid ah waxay ka socotey gudaha Puntland, walow aan ka mid ahaa taageerayaashii ugu cad cadaa ee Puntland kuna hadaaqi jirey mar uun inuu isbedel siyaasadeed ka curto deegaanadan, xiriirka aanu lahayn Prof Gaas joogto ayuu ahaa ilaa iyo iminkana aad buu u wacan yahay .

 

adde 5“Madaxtooyada Puntland waa muraayadii dalka, hadii aad Madaxweyne noqoto shacabka ha ka dhex arkeen shaqsiyaadka xigtadooda, madaama beelo walaalo  ood wadaag ah lagu asaasay Puntland “Ereyadaas waxaan ku iri Madaxweyne Gaas xilligii Ololaha Doorashada lagu jirey.

 

Waxaa soo dhawaatey xilligii Prof Gaas uu kasoo degi lahaa magaalada Gaalkacyo, Doorashadii Puntland ay ka harsan tahay  muddo labo bilood ah, waxaana qaban qaabo iyo Ololeyn u galnay sidii aanu uga qeyb qaadan lahayn soo dhaweynta Gaalkacyo ee Prof Gaas isla markaana aanu u muujin lahayn sida ay shacabka Nugaal uga go,an tahay kaalinta ay ku leeyihiin Isbedel doonka.

 

adde 6Dhulkoo doog iyo Cagaar leh , jawiga oo qabow iyo raxmaadkii Eebe uu teel teel u da,ayo ayaanu ka carownay Caasimada Garowe, anaga oo  koox isku mabda ah, xilli ay Garowe ka socotey caburin iyo cago jugleyn ku aadan la socodka dhaq dhaqaaqa taageerayaasha musharaxiinta , isla markaana ay horboodayeen qaar ka mid ah rakaabkii Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Faroole.

 

Aroornimadii 8:30 waxaan ka mid ahaa bulshadii soo dhaweynta u taagnayd gegida diyaaradaha Gaalkacyo , Abaarihii 11:00 (Barqanimo) ayay soo cago dhigatay diyaaradii siday Prof Gaas, salaan sharaf iyo Is marxabeyn waxa loo galbiyey hoygiisa uu Gaalkacyo ku lahaa .

 

adde 1Waxaa maalintii xigtay  “Quraac sharaf aan la qaadanay Proff. C.wali Cali (Gaas)  inagoo wada dhan wafdigii nugaleed, is wareysi , Kaftan iyo Isu hambalyeyn miiska quraacda iyo qaabilaada sida wacan uu u soo Agaasimay Mudane Gaas, aad baanu ugu riyaaqnay” .

 

“Hadii aan yaro xuso taladii aan Prof Gaas fagaaraha ku siiyay  waxay ahayd “ Mudane hadii hawshan ololaha doorashooyinka iyo maamulka saaxiibada kula shaqeeya wax ka qaldamaan way adag tahay sida lagu toosiyo taas oo waxyeelo iyo saamayn ku noqon karta mustaqbalka fog iyo markaad Puntland Madaxweyne u noqoto”.

 

adde 2Taladaas aan horey u soo jeediyey muuqeedu waa tan maanta masraxa iyo maamulka Puntland aan ka dheehanayo, habacsanaan iyo jil jileec is qab qabsi uu wehliyo, waxaana oran karaa “Ileyn Puntland wali waa Garoob, Marna waa gabadhii quruxda badnayd oo aan wali la guursan”.

 

Maalintii 8da Janaayo 2014 wixii ka dhacay golaha shacabka Puntland waynu wada xusuusanaa. is-bahaysigii musharaxiinta iyo weerarkii ay ku qadeen Dr. faroole.

 

Nasiibka iyo guushii daalka badnayd ee raacday Proff  Gaas ayaa la gaarey natiijadeedii, si kastaba ha ahaatee waxaa lagu dhawaaqay Madaxweynaha cusub ee Puntland Proff Gaas inuu hogaamin doono Puntland shanta sano ee soo socota.

 

adde 3Madaxweyne kasta oo hogaanka qabta waxaa garbaha kaga jira oo daadihinaya taagerayaal fara badan oo gudaha dalka iyo dibeda isaga kala yimi.

 

Hogaamiye kasta oo caalamka ka tirsan, asxaabtii la soo halgantay mid mid ayuu xil iyo shaqo ugu meleeyaa, isagoo ku kala xulanaya aqoontooda, xirfadooda, iyo  kartidooda.

 

Hogaamiyaasha afrika, waxaa caado u ah ereyga (DANEYSTE), marka jagada Madaxwyne ay ku guuleystaan durbadiiba way ilawaan halgankii, dhibkii, iyo khatartii lala soo maray xiligii ololaha iyo doorashooyinka, waxaaba dhacda in xilalka ay ku maareyaan hab qabiil iyo weji.

 

adde 4!Dadku kala duwanaa Misana Dabeecadahoodu kala fogaa !, qaar baa jecel Musharaxa ay la soo halgameen marka uu Madaxweyne noqdo inay ku ag-meereystaan, dhegahana kaga shubaan wax aan jirin.

 

Madaxweyne Gaas wuxuu ahaa is-bedel doon, hadaba waxaan aragnay golahii Wasiirada ee uu usoo magacaabay daadihinta Xukuumada inay yihiin kuwo aan lahayn heer u dhigma ama lala sami karo Xukuumadii ka horeysay ee Dr Faroole, waxaana oran karnaa Madaxweynuhu kuma uusan soo xulin aragti fog iyo aqoon uu u leeyahay, taasna waa mid qeyb ka ah bilowga quusta shacabka ay ka muujiyeen Isbedel doonkii uu hogaaminayey Dr Gaas.

 

Waxaana muuqata faro ku taag taag iyo siyaasad daciifnimo oo ay la kowsatey Puntland, waana tan shakiga dad badan uga muujinayaan suurto galnimada in qas iyo qalaanqal midiyo af dhaadheer leh ay kaso baxaan Puntland.

 

Mudane Gaas, Maxaad markaa yeeli? !!!

 

ADDE 7Waase su,aal dadku isweydiinayaan “Isbedel doonow maxaad tahay?!!!

 

Ereygaasi waxaa lagu macnayn karaa, marka maamul uu xilkii ku wareejiyo maamul cusub, isla markaana la arko nidaam iyo wejiyo cusub oo karti iyo aqoona huwan, kuwaas oo la wareega siyaasada dalka lagu hagayo.

 

Madaxweyne Gaas ma u baahnaa in lix bilood oo jaamacada waaya-aragnimada, dhex-galka iyo barashada dadka Puntland uu soo qaato?

 

Akhristoow, “Waqti intee la eg ayaa dowladnimo lagu qiimeyn karaa”?

 

LANA SOCO QEYBAHA DAMBE OO AAN KAGA HADLI DOONO:

 

–          “La mood, Noqonse Weyday”!

–          Magac iyo Xil yaa Puntland ka heli kara”

–          Qof waliba mar buu Masraxa kasoo Muuqdaa”

–          Waxaan ka soo talaabay Qaarad Gaas baa xil ii haya”.

–          Muran iyo Ismutajin Miyaa Dowlad lagu noqdaa?

–          Joogistayda Puntland Tahriib iyo Magafe yaa ii dhaama”

–          Muwaadinka iyo Xabsiyada Puntland”

–          Towradii Taagta Darnayd”

–          Hadaan Gabar Qurux badan ahay Guur-kaagu Xalaal ma yahay?.

Share This Post

Post Comment