Madaxwaynaha dowadda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) iyo wafdi la socda ayaa wax yar ka hor ka dagay garoonka diyaaradaha Muqdisho,halkaasoo oo ay ku soo dhaweeyeen madaxda dowladda dhexe ee Somalia.

Socdaalka Gaas ee Muqdisho waxaa ku weheliya Wasiiro.xidlhibaano iyo Isimo,waxayna u tageen Muqdisho inay ka qayb gallaan aas qaran oo loo samaynayo allaha u naxariistee RW hore ee Somalia oo ku geeriyooday Dalka Maraykanka.

Ra’iisulwasaraha xukuamdda Somalia Cabdiwali Shiikh Axmed Gudoomiyaha Gobalka Banaadir,Xildhibaano iyo dadwayne kale ayaa soo dhaweeyay wafdiga madaxwayne Gaas.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa inay is arkaan madaxda DFS,balse lama yaqaan waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan maadama uu wali go’an yahay xiriirkii ka wada dhaxeeyay.

Madaxda mamulka Jubba iyo siyaasiyiin caan ah ayaa ka qayb galaya Aaska Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Shalay galinkii danbe laga soo duuliyay Maraykanka.

Allaha naxariistee C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa ka dar daarmay in lagu duugo magaalada Muqdisho oo horay lagu duugay raggii ay soo wada shaqeeyeen uu ka mid ahaa Allaha Naxariistee Aadan C/lle Cismaan.

Xaiiska wararka Waayaha.net

Share This Post

Post Comment