Tahniyad

Tahniyad

Sh. Axmed C/samad oo Dr. Faysal ugu hambalyeeyay darajada PHD ee uu qaatay

Hambalyo iyo bogaadin Dr. Faysal Maxamed Cali oo PHD qaatay

Aniga oo ku hadlaya magacayga, magaca golaha fulinta Jamaacada Al-ictisaam iyo magaca bahda macaahida sharciga waxaan halkaan tahniyad iyo bogaadin uga diraynaa Dr. Faysal oo maanta soo gabagabeeyey mishwaarkii dheeraa ee diraasada xadiiska iyo culuumtiisa ee uu ka wadey jaamacada madiina ee islaamiga ah, uuna ka qaatay darajada cilmiga ah ee Diktooraah.

Waxaan leenahay tahniyad iyo raynrayn waarta, Ilaahayna cilmigaaga haka dhigo mid naafic ah oo adiga iyo ummaddaba anfaca.

Dr. Faysal wuxuu ka mid ahaa raggii dadaalka weyn ku bixiyey sidii dhalinyarada looga badbaadin lahaa afkaarta bidcaynta iyo jamaaca diidka ee dalkeena soo gashay, guulo waaweyna way ka gaareen, haddana waxaa laga rajeynayaa inay ka mid noqdaan isaga iyo asxaabtiisu arkaanta dacwada iyo tacliinta sharciga ah ee dalkeena, ayna qayb weyn ka qaataan midaynta iyo walaalaynta dhalinyarada dacwada ee qaylada lagu dhextuuray.

Waxaa isna duruus cilmi ah ka wada magaalooyinka Burco iyo Laascaanood Dr. Xasan Sh. Cali oo ay asxaab ahaayeen Dr. Faysal, wax weyna kusoo kordhiyey deegaanadaas. Waxaa iyana farxad kale ah rag badan oo darajada Diktooraah ka qaatay jaamacada madiina inay dalka kusoo noqdeen, kuwana hadda kusoo jeedaan, waxaana ka mid ah:

1- Dr. C/laahi yare,

2- Dr. Aadan Sh. Cali,

3- Dr. Maxamed Xasan

4- Dr. C/casiis Cali Axmed,

5- Dr. C/xayi

6- Dr. Haaruun Sheekh iuo kuwo kale

Dhmaantood waxaan leenahay gacmo iyo quluub furan kusoo dhawaada

Share This Post

Post Comment