dhaqaatiir lagu laayey magaalada Muqdisho

dhaqaatiir lagu laayey magaalada Muqdisho

Afar dhaqtar oo saddex ka mid ah ay u dhasheen wadanka Siiriya kan kalena uu Soomaali yahay ayaa saaka lagu dilay duleedka magalada Muqdisho.

Dablay hubaysan oo aan la aqoon haybtooda ayaa dhaqatiirta dishay,wararka soo baxaya ayaa sheegaya dhaqatiirta geeriyooday inay ka howl gali jireen isbitaalka fiqi,wuxuna falkaan ka dhacay agagaarka Siinka Dheer ,iyadoon xiliga la laayey ay u socdeen isbitaalka.

Afar qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka waxaana dhaawacooda loola cararay isbitaalka Xayaad,dadka deegaanka ayaa sheegay kooxda hubaysan inay ku horgooyeen gaariga ay wateen dhaqaatiirka geeriyooday ka dibna ay rasaas oodda kaga qaadeen,welina lama aqoonsan dablaydaasi.

Ilaa iyo hadda cid ka hadashay ma jirto dilka dhaqatiirtaan,mana ahan markii ugu horaysay howl-wadeeno isbitaalka fiqi la dilo,waxana hadda socda dadaalo kala duwan oo arrintaasi ku aadan.

Dilka dhaqaatiirtan ayaa waxay kusoo aadaysaa xili la sheegay magalada Muqdisho in laga bilaabay hub aruurin.

Xafiiska wararka Waayaha.net

Share This Post

Post Comment