Baarlamaanka oo ansixiyay Ra’iisulwasaaraha cusub ee Soomaaliya

Baarlamaanka oo ansixiyay Ra’iisulwasaaraha cusub ee Soomaaliya

Muqdisho(WNT) Xildhibaanadda baarlamaanka Soomaaliya ayaa fadhi ay ku yeesheen aqalkooda waxay ku ansixiyeen Ra’isulwasaaraha cusub ee uu dhowaan soo magacaabay madaxwaynaha Soomaaliya.

In ka badan 200-oo xildhibaan ayaa soo xaadiray,waxayna cod gacan taag ah ku sheegeen inuu ansax yahay Wasiirka kowaad ee xukumadda Mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed isla markasna uu wadan karo howlaha loo igmaday.

Sidaas waxaa ku dhawaaqay afhayeenka gollaha shacabka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari,wuxuna  intaasi raaciyey  ka dib markii xildhibaanada ay gacanta taageen ka dib la ogaaday inuu kalsooni ballaaran baarlamaanku ku lee yahay.

Ra’iisulwasaraha cusub ee Soomaaliya Cabdiwali Shiikh Axmed oo ka hor inta uusan baarlamaanka Kalsoonida ka helin,khudbad u jeediyay waxa uu kaga waramay sida uu wax ugu qaban doono dadka Soomaaliyeed iyo marxaladdaha ku wareegtay dowladda sidii looga bixi lahaa.

Waxa uu baarlamaanka ka codsaday inuu codka kalsoonida siiyaan si uu bulshadda Soomaaliyeed ugu addeego.

Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo gollihiisa wasiiradda,iyadoo loo filayo inuu soo celin doono kooxdii horay tayadda uga qaaday ra’isal wasaarihii isaga ka horeeyey.

Xafiiska wararka Muqdisho

Share This Post

Post Comment