Baaq: Reer Boqor Cismaan oo beeniyay war laga faafiyay xulista boqorka Beelaha Daarood

Baaq: Reer Boqor Cismaan oo beeniyay war laga faafiyay xulista boqorka Beelaha Daarood

Qoyska reer Boqor Cismaan gaar ahaan reer Boqor Muuse Yusuf Boqor Cismaan ayaa si wadajir ah gudaha iyo dibeda dalka ubeeninaaya warar been abuur ah oo lagu qoray websiteka lagu magacaabo Puntlandnews24.

Warkaan ayaa si bareer ah loogu been abuurtay shirar iyo wadahadal usocday reer Boqor Cismaan oo la xiriiray xulista iyo magacaabista Boqorkii dhaxli lahaa kursiga Boqorkii udanbeeyay Boqor C/laahi Boqor Muuse (AUN).

Sida dhaqanka soo jireenka ah waxaa magaabista iyo soo jeedinta isimka iska leh qoyska ay la taalo saldanada, waxaana dhaxalka koowaad iska leh qoyska uu aabahooda kaga dhintay saldanada.

Hadaba waxaa waayahan danbe soo baxay caadooyin foolxun oo ah in farogelin lagu sameeyo dhaqanka soo jireenka ah oo ixtiraamka iyo kala danbeynta ay laf dhabarka uyihiin.

Waxaa la siyaasadeeyay qaabka xulista iyo dhaxalka arrimaha dhaqanka, waxaana la keenay in mediaha laga shaaciyo been aan loo meeldayin qof aan Isim ahayna loogu yeero Isim, isagoo aysan jirin meel uu tolweyne kaga shirsaday ama ku caano shubay.

Sida caadadu tahay siyaasada iyo dhaqanku waa maadooyin iska ag dhaw, hadana maaha wax shaqo isku leh ama la simo, maadaama dhaqanku yahay marjacii lagu kala saari lahaa umada iyo qabaa’ilda walaalaha iyo deriska ah.

Waxaa jira shaqsiyaad danahooda siyaasadeed raba iney kaga faa’ideystaan kursiga dhaqanka, iyagoo ilhaano ka galaaya dhamaan dadka ay quseyso arintaan. Marna uma suurtogaleyso inay tolka wax been ah gadaan. Hadaba waxaan usheegeynaa tolka iney ka fogaadaan iskana ilaaliyaan warka been abuurta ah ee la mid ah warkan oo kale.

Warka been abuurta ah ayaa lagu shaaciyay in leysku raacay in Burhaan Boqor Muuse uu qabto xilka Boqortooyada, iyadoo wax aan jirin oo kale lagu dhoodhoobay.

Waxaan anaga (Reer Boqor) haynaa cadeymo badan oo sheegaya in warkaasu been abuur yahay walina go’aan la gaarin arinkaas, sidoo kale waxaan haynaa shirkii reer Boqor oo duuban oo ilaa qadar 9 saac soconaaya. Waxaana shirarkaas leysku afgartay oo go’aan lagu gaaray in marka koowaad reer Boqor Muuse ay wadatashi hoose ka soo sameeyaan magaacaabista iyo cida dhaxalka uleh qabashada xilka Boqorka si madax banaan.

Xubnaha soo saaray war saxafaadeedka:

  • Cumar Boqor Muuse
  • C/rashiid Boqor Muuse
  • C/casiis Boqor Muuse
  • Saxardiid Boqor Muuse
  • Maxamed Siciid Yuusf (Indhacadeys)
  • Axmed Yaasiin Maxamed Boqor
  • Axmed Boqor Maxmuud
  • C/naasir Boqor Maxamuud
  • Cumar Maxamed Boqor Muuse
  • Axmed Boqor C/laahi
  • Muuse Maxamed Boqor
  • Yusuf Maxamed Boqor

Daabacaadda Waayaha.net

Share This Post

Post Comment